Call us: +252-05-822095

Tartan Aqooneedka kediska bisha Ramadaan oo ay maalgaliso shirkadda Golis oo la daahfuray

07 May 2019

Kulan kooban oo xalay lagu qabtay Xarunta warbaahinta SBC ee Boosaaso ayaa si rasmi ah loogu daahfuray tartanka Degmooyinka Puntland ee Kediska Ramadaanka oo ay sannad walba qabato warbaahinta SBC ayna maalgaliso shirkadda isgaarsiinta Golis, tartankan oo horey u ahaa Xaafadaha Magaalooyinka Puntland ayaa sannadkan loo badelay tartan Degmooyin.

Xaflada Furitaanka waxaa ka soo Qeybgalay Duqa Magaalada Boosaaso C/salaan Bashiir C/salaan, Agaasimaha Guud ee SBC Maxamed Deeq Cabdalla, Madaxa Xiriirka Daweynaha & Suugeynta ee Shirkada Golis Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji , Gudoomiyaha Gudiga Kediska SBC Abshir Cadami iyo Xubno gudigiisa ka mid ah.

Dhamaan Masuuliyiinta Ka soo qeybgalay Furitaanka Kediska ayaa si aad ah u dul istaagay muhiimada uu tartanka u leeyahay Bulshada dhinacyada Aqoonta , isdhexgalka Bulshada , IWM waxaana dhamaantood hoosta ka xariiqeen doorka Golis & SBC ay ku leeyihiin tartamadan oo kale.

Geesta Kale waxay Degmooyinka ku taratmaya waxay u rajeeyeen nasiib wanaagsan waxaana ay kula dardaarmeen in tartanka iyo deegaanada guud ahaan ay isku mid yihiin ayna dhalinyarada ka eegaan cilmi kororsi iyo isdhexgal si bulashada uga gudubto nidaamka qabiilka.

Warbaahinta SBC ayaa sannadkii 13aad oo xiriir ah wada tartankan iyadoo gacan taageero ah ka heleysa Shirkada Isgaarsiinta Golis oo maalgelineysa tartanka mudada u socdayna horey u maalgelineysay.

Madaxa xafiiska Suuqgaynta iyo xiriirka dadweynaha shirkadda Golis Shiekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur ayaa sheegay in shirkadda golis ay sii wadayso taageerada ay iyo gacan ka gaysashada hawlaha kor loogu qaadayo wacyiga dhalinta Soomaaliyeed islamarkaana ay uga qayb qaadanayso kedisyada la qabto bisha barakaysan ee Ramadaan.

Archives