Call us: +252-05-822095

Shirkadda Golis oo ka qayb gashay shirka teknoloojiyadda Puntland oo garoowe ka dhacay

20 Apr 2019

Shirkadda isgaarsiinta Golis Telecom Somalia ayaa dowr muhiim ah ka qaadatay shirka teknoloojiyadda Puntland oo labo maalmood ka socday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Shirkaas ayay shirkadda Golis kusoo bandhigtay kaalinteeda udub dhexaadnimo ee ay kaga jirto horumarinta bulshada dhinacyada teknloojiyadda casriga ah iyo sidoo kale dowrkeeda isxilqaan ee arrimaha danta guud.

Qaar kamid ah injineerada shirkadda ayaa la wadaagay marti-sharaftii kala duwanayd ee ka qayb gashay shirkaas hawlaha teknoolojiyadeed ee ay shirkadda Golis kusoo kordhisay  bulshada iyo hal abuurada ay had iyo jeer la garab taagantahay macaamiisheeda kuwaas oo marba marka ka dambaysa loogu fududaynayo baahiyaha u qabaan adeegyada casriga ee maaanta caalamka laga isticmaalo.

Madaxa IT-ga shirkadda Golis Aadan Siciid Saalax oo ka qayb galay munaasabadda islamarkaana oo kalmad shirkaas ka jeediyay ayaa xusay in dadaal aan kala go’ lahayn ay shirkadda Golis ugu jirto sidii bulshadu uga haqab beeli lahaayeen guud ahaan baahiya teknoloojiyadeed ee ay qabaan

Aadan ayaa tusaale usoo qaatay xarigga xambaara Internetka xawaaraha sare leh ee Fiber Optic ee ay keentay Golis oo uu xusay inuu yahay mashruucii ugu ballaarnaa ee loo qaaday dhanka teknoloojiyadda oo ka hirgalay Puntland, waxa uuna xusay in barnaamijkaas oo ay  shirkaddu galisay dhaqaale farabadan ay uga gollahayd in macaamiisheedu ay ku raaxaystaan Internet xooggan oo ay ku fulsadaan hawlohooda Teknoloojiyadeed.

Archives