Call us: +252-05-822095

Golis Magazine

Our facebook page

Shuruudaha Adeegyada

Sharuudaha Shirgada Golis ee adeegyadadeeda kala duwan.

Shirkada Golis waxay marwalba ku shaqeynaysaa inay ilaaliso sharciga iyo nidaamka u degan shirkada. Waxay kaloo shirkadu balan qaadeysaa in macaamiisha ay u cadeyso waxkasta oo adeegyada shirkada ku taxaluqa oo macluumaad ah inta aan qofku qaadan adeega ama dalbanHadaba qaar ka mid ah shuruudaha muhiimka ah ee laga rabo qof kasta oo macmiila inuu ogaado ayaan hoos ku qornay:- 

 

  1. Adeeg kasta oo Shirkada Golis ay bixiso wuxuu bilaabanayaa marka qofka macmiilka ahi uu dalbado, isla markaana Shirkadu aqbasho dalabka macmiilka
  2. Adeega macmiilku qaatay wuu soconayaa inta uu macmiilku ka goynayo oo shirkada u sheegayo inuu iska jaray adeegii uu qaadan jiray, amase shirkadu ay iyadu jarto adeegaas.
  3. Kirada ILA HADAL waa  hormaris bil walba
  4. Kirada ILA HADAL waxaa lagu bixinayaa 5ta maalmood ee ugu horeysa bilwalba
  5. Qofkii Line horay u haystay waxaa ILA HADAL loogu furayaa     $20
  6. Qofkii Line horay u lahaa balse uu ka xirraa waxaa ILA HADAL loogu furayaa
  7. Qofkii Line horay u lahaa lacagna ay ku taagneyd waa inuu lacagta hore bixiyaa.
  8. Sicirka shirkda Golis weey bedeli kartaa mar allaale markii loo baahdo iyada oo lagu soo qoraayo wargeysyada dalka iyo bogga internetka ee shirkada Golis sida bogayaga www.golistelecom.com
  9. Lanbarka sirta ah (password)wuxuu la mid yahay lacag cadaan ah ee cid kale ha u sheegin shirkada masuul kama ahan  hadii cid kale kaa isticmaasho
  10. Modam-ka iyo fiilada  iyo rakibaadaba waxay shirkadu kaa qaadaysaa US     $ 70
  11. Kirada bishii waa $ 50 halkii computer bishiiba waxaana lacagta la bixinayaa 1da bisha bil walba
  12. Waqtiga layn gelintu waa sida ugu fudud hadii meesha Fiilo iyo Line yaalaan
  13. Macmiilka waxaa la gudboon inuu u ogolaado shaqaalaha Shirkada Golis inay galaan meesha shaqada loogu qabanayo hadey noqon lahayd xafiis ama guriba. Hadii kale waxaa dhici karta in kharash lagu dalaco macmiilka hadii uusan wakhtigii la rabay ogolaan in shaqada la qabto ama uusan diyaar sanayn meeshii howsha lagu qaban lahaa.

 

Archives