Shirkada Golis
Shirkada Isgaarsiinta ee Golis waa shirkad wadani ah oo la aasaasey sanadkii 2002-dii, si aay ugu adeegto bulshada ku dhaqan degaanada aay ka howlgasho,dhamaan adeegyada kala duwan ee shirkadu qabato,sida Telephone-da-Mobile iyo Line, Internet. Shirkada howlaheedu waa kuwo ku qotomaya aragtida adeeg-hufan oo anfaca macaamiisha, iyadoo shirkadu awoodeeda u sakhirtay inay gaarsiiso dhamaan muwaadiniinta dalka oo dhan adeega isgaarsiinta.


Shirkada Golis waa shirkada ugu balaaran dhinaca isgaarsiinta gobolada Puntland ee soomaaliyeed, taas waxaa si guud looga fahmi karaa baaxada dhuleed ee shirkada adeegeedu gaarey iyo kororka il-qabatinka leh ee macaamiisha shirkada.
Waxay shirkadu ku guuleysatay inay isku xirto inta badan gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka Degaanada Puntland welina waxay ku howlan tahay inay dhamaystirto meelaha dhiman ee uusan weli gaarin adeegeedu.
Shirkada waxay bixisaa dhamaan noocyada isgaarsiineed haday ahaan lahayd Telephone-da landline-ka ah, mobile-da iyo Internetka. Waxaa kale oo shirkadu aay gobolada aay ka howlgasho qaarkood ka bixisaa adeega korontada weliba magaalada bosaso waxaa shirkadu aay bixisaa adeeg koronto oo aad u sareeya inkastoo uusan ahayn mid baahsan oo ku eg zones kooban hadana waxuu soo jiitay dad badan
|