Call us: +252-05-822095
Adeegga kaftoon waa adeeg casri ah wuxuuna kaa caawinayaa Account-gaaga Bangiga inaad ka maamushid adiga oo jooga gurigaaga ama meheraddaada, waxuun awood kuu siinayaa inaad ogaatid lacagta kuugu jirata Account-gaaga, ama aad lacag dhigatid Akoonka, ama aad laga kala baxadida ama inaad Account-ka ka wareejiso lacag adiga oo ku wareejinaya Account kale oo Salaam Bank ah, waxaa kale oo awoodi kartaa inaad lambarka sirta ah ee Account-gaaga Salaam Banka bedelato.
Hab raaca furashada adeegga kaaftoon
Macmiilka aan horey u lahayn adeegga kaaftoon markii uu rabo inuu furto Adeegga kaaftoon waxaa looga bahan yahay inuu Account ku lee yahay Adeegga SAHAL ka dib wuxuu tegayaa Salaam bank waxaana looga bahan yahay shuruudahan inuu uu buuxiyo : –
1. Unuu adeegga sahal u furan yahay.
2. Laba Sawir oo kuwa teesaraha aha.
3. Aqoonsi ( baasbor ama kaar la aqoonsan yahay )
4. Inuu Akoonka ku shubto 15 doolar, 10 waxaa laga rabaa inuu Account-ka ku shubo, 5 doolar oo hartay waxaa lagu siinayaa CHEQUE.
Qaabka loo istimaalo adeegga kaaftoon
Marka uu rabo inuu macmiilku uu isticmaalo Akoonkiisa Kaaftoon wax uu garaacayaa *888#
Soo qor *888#, tusaale
Geli Number-kaaqga sirta ah
waxaa kuu soo baxaya liiskaan sidaan ah, waa haddii luqaddu soomali kuu tahay.
Salam Bank->
1. I tus Haraaga
2. Lacag dhigasho
3. Lacag qaadasho
4. ka wareeji SAHAl
5. Bedel PIN- ka Bangiga
6. ka Bax
Hadii ay English Luqaddu kuu tahay waxaa kuu soo baxaya : –
Salam Bank ->
1. My Balance
2. Deposit to Bank
3. Withdraw from Bank
4. Transfer from SAHAl
5. Change Bank PIN
6. Exit
Gunaanad
Adeegga kaaftoon waa Adeeg casri ah, wax badanna ku soo kordhiyey bulashada, wax badan ka caawiyey iskuna xidhay Salaam Bank iyo shirkadda geyigeenna Golis Telecom wixii caqabad ah ee aad kal kulantidna waxaa la soo xidhiidhi kartaa Golis Telecom iygaa kuu xallinaya sid deg deg ah oo khibardaysan .