SHAQALAAHA GOLIS
Shaqaalahu waa raasamaalka ugu qaalisan ee shirkadi haysato, si loo xaqiijiyo daacadnimo shaqada ah,waa in la hirgaliyaa barnaamij dibada soo dhigaya miskaxda iyo muruqa ku duugan qofka shaqaalaha ah si isxilqaanimo ku jirto.
Hab-shaqeedka shaqaalahu waa inuu noqdaa mid la falgala horumarka shirkada, marka aay dhabato dabaysha isbedelku ee aay gilgisho dhamaan suuqa, siyaasadaha hanaqaadka ahi markaas ayay caawiyaan in shirkadu gaarto heer biseyl iyo quwad ah aan waxba loodin Karin.
Nidaamyada shaqo ee Golis u degsani waxay u qoran yihiin heer maamul, kormeer iyo shaqaale intaba, siyaasadahaasi waxay kulansanayaan meerto hagaysa in shaqaalahu noqdaa kuwo daacad ah firfircoon.
Siyaasada shaqaale ee Golis u qoran waxaa aaay si cad oo mugdi ku jirin u qeexaysaa heerarka kala duwan ee qofka shaqaalaha ahi laga bilaamo shaqaalaysiin ilaa laga gaaro howlgab.
Dalacaada shaqaalaha
Golis waxay leedahay siyaasad cad oo ka tarjumeysa jaranjarada dalacaada shaqaalaha, waxaayna aaminsan tahay in koboca shirkada uu la jaanqaado koboc shaqaalaha ah, oo qofka shaqaalaha ahi uu si xaqa u helo koboc xirfadeed, arintaanu waxay raaceysaa nidaamka dalacaadaha.
Waxaa systemkaas u siman dhamaan shaqaalaha shirkada iyadoo dalacaaduhu aay ku xiran yihiin halbeegyada caalamiga ah ee loo isticmaalo qiimeynta shaqalaha iyo howl-qabadkooda.
|