Call us: +252-05-822095

Golis Magazine

Our facebook page

Boos Sales (iibiye) GSM oo Ka bannaan Shirkadda Golis Bosaso

Magaca booska Salesperson GSM (iibiye) Xarunta Boosaaso
La dhejiyay 27-09-2015 Ugudanbayn 10-10-2015
Tirada boosaska 1 (hal boos)
Fiiro gaar ah: Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo cadaymaha maamulka Golis Boosaaso. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah (Original), laakiin waa inaad usoo qaadataa waraysiga(Interview) si haddii loo baahdo aad usoo bandhigto.

Shuruudaha

Shirkada isgaarsiinta Golis waxay raadinaysaa hal qof oo Salesperson (GSM) ah loogana baahan yahay xarunta Golis ee Boosaaso.

Qofka aanu raadinayno waa inuu yahay mid ku sifoobay daacadnimo, hawlkarnimo isla markaana leh dulqaad iyo dabeecad aad u wanaagsan.  Shuruudaha laga doonayo waa sidan:

  1. Waa inuu haystaa shahaado Jaamacadeed oo Maamulka & Maareynta ah lana aqoonsan yahay.
  2. waa inuu haystaa shahaado Dugsi Sare oo la aqoonsan yahay.
  3. Haddii uu leeyahay Khibrad la xiriirta xisaabaadka iyo maamulka waxay u noqonaysaa tixgalin.
  4. Da’diisu waa inay ka yareyn 22 sano kana badneyn 30 sano
  5. Waa in uu si fiican u yaqaanaa luqada Ingiriiska
  6. Waa in uu si fiican u yaqaanaa adeegsiga computer-ka shahaadana ka wataa
  7. Waa in uu san haba yaraatee lahayn wax balwad ah
  8. Waa in uu leeyahay dabeecad fiican oo dhaqan ahaan uga muuqata
  9. Waa inuu sumcad fiican ku leeyahay bulshada dhexdeeda
  10. Waa in uu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xiliyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo ka mid ah xarumaha Golis

Waaxda Shaqada & Shaqaalaha

Archives