Call us: +252-05-822095

Golis Magazine

Our facebook page

Adeega Sahal

Sahal – Xalka Ganacsigaaga
Anagoo marwalba ku taameyna inaan macaamiisha baahidooda daboolno waxaan soo saarnay laba adeeg oo casri ah kuwaas oo loogu talo galay macaamiisha ganacsatada ah. Adeegyadani waxay leeyihiin in lacago badan laysugu gudbin karo kana badan inta dadka caadigaa ay isticmaalaan. Akoonada Sahal ee ganacsatadu waxay qaban karaan lacag macquul ah oo laysla ogyahay.

Macaamiisha ku Ganacsata (bixinta biilasha)
Adeegaan macaamiisha ku Ganacsiga wuxuu u sahlayaa shirkadaha ganacsiga intay doonaan ba ha leekaadeene in macaamiishu ay lacagta ku bixiso oo shirkada ku siiso lacagta ay alaabta ama adeega uga qaateen si dhib la’aan ah. Adeegan waxaa loogu talo galay shirkadaha macaamiisha faraha badan leh iyo shirkad kasta oo jecel inay u sahasho macaamiisheeda inay adeega Sahal ku bixiyaan lacagta ay qabaan.

Ganacsatadu way ka faa’iidayaan adeegaan waayo waxay u sahlaysaa inay si fudud ku helaan lacagtooda kagana qaataan macaamiisha iyagoo una sahlaya macaamiisha naftooda inay si fudud ku bixiyaan lacagta ay qabaan. Lacagta macmiilku meel kasta oo uu joogo wuu bixin karaa hadii uu leeyahay Akoon Sahal ah lacagina ugu jirto akoonkooda Sahal.

Shirkadu badan ayaa adeega adeegsada oo waaweyn waxaana ka mid ah shirkadaha Caafimaadka, Waxbarashada, Ganacsiga yaryar, dukaamada, maqaaxiyaha iwm.
Ganacsi ku Macmiil (Bixin lacago badan)
Adeegaan wuxuu u sahlayaa ganacsatada iyo ururada inay diraan ama bixiyaan lacago badan oo ay kala siiyaan dad badan oo kala duwan, sida shaqaalaha, bixinta raasumaalka mulkiilayaasha, lacagaha loo dirayo dad meelo kala duwan kala jooga IWM.

Bixinta lacago badan, waa adeeg wacan oo sahlan si fududna loo isticmaali karo.

Adeega bixinta lacag wadareedka faa’iidooyin badan ayuu gaarsiiyey ganacsatada isticmaasha wuxuuna fududeeyey in dadka la gaarsiiyo lacagta si fudud, mida kale adeegaan waa aamin oo ururada iyo ganacsatadu lacagta si fudud oo aamin ah ay ku gaarsiin karaan dad meelo kala duwan kala jooga.

Mida kale adeegan waa mid kharash yar marka loo eego kuwa kale ee lacagta lagu kala bixiyo ee hada jira.
Diiwaan garee Sahal
Waxaad ka diiwaan gelin kartaa Sahal akoonkaaga si bilaash ah xarun kasta oo Golis ay dalka ku leedahay oo kuu dhow. Si aad u diiwaan garayso Sahalkaaga tag xarunta Golis ee kuugu dhow.

  1. Buuxi foomka is diiwaan gelinta
  2. Kadibna furo akoonkaaga (activate it)
  3. Buuxi foomka is diiwaan gelinta:
    Waxaa lagaa rabaa inaad buuxiso foomka isdiiwaan gelinta, kuna qorto numberka mobilekaaga, magacaaga oo dhamaystiran, taarikhda aad dhalatay iwm. Waxaa kaloo lagaa rabaa inaad keento ama la timaado sawir ah nooca baasaboorka, hadii aadan markaa wadan sawirka Golis ayaa kaa qaadeysta isla goobta marka waxba ha welwelin.

 

  1. Fur ama activate akoonkaaga Sahal
    Golis waxay kuu soo diraysaa maseej kuu sheegaysa in isdiiwaan gelintaadu ay meel martay. Kadib fur akoonkaaga Sahal adiga oo isticmaalaya 4ta number ee Start Key kaas oo ay Golis kuu soo dirtay, adiga oo sidatan u samaynaya:
    1. Garaac(Dail)*888# kadib taabo OK.
    2. Geli marka Start Keyga (afarta number ee golis kaaga timid), markaa kadib akoonkaaga wuu shaqeynayaa waana kuu furan yahay ee isticmaal.

Sahal waxaad u adeegsan kartaa howlahaan hoos ku qoran oo dhan:

  1. Inaad lacag dhigatid kaash ah akoonkaga
  2. Inaad lacag dirto oo qof kale u gudbiso
  3. Inaad lacag kala baxdo
  4. Inaad telefoonka lacag kaga shubato ama daqiiqado aad ku iibsato
  5. Inaad bixiso biilasha
  6. Inaad aragto balansiga kuugu haray Sahal
  7. Inaad maamusho akoonkaga Sahal

 

1.     Dhigo lacag akoonkaaga.

 Si aad wax ugu gadato Sahal waa inaad lacag ku shubataa akoonkaga Sahal aadna kaga shubataa Xarumaha Golis mid ka mid ah, kadibna way kuu samaynayaan iyagoo isticmaalaya borogaraamka Sahal

Si markaa aad lacag ugu shubato sidaan yeel:

.

2. Dir lacag (Transfer) money 
Waad diri kartaa lacag waxaadna u diri kartaa qof kasta oo haysta telefoon Golis ah xataa hadii uusan asagu Sahal haysan. Si aad lacag u dirto marka waa inaad marka hore lacagta ku shubataa akoonkaaga sahal adigoo isticmaalaya sida aan kor kusoo sheegnay. Si lacagta u dirto:

Hadii aad lacag number khaldan u dirto:

3. Labixid lacag
Waad kala bixi kartaa Xarun kasta oo adeega Sahal ah lacag  (withdraw money)
(a) Hadii aad diiwaan garaysan tahay Sahal akoona leedahay
Aad ama tag Xarun Sahal(sahal Store) kadibna:

b) hadii aad tahay qof aan diiwaan gashanayn,

Tag Sahal Istoor Kadibna:

4. Gado Airtime Golis ah.
Maadaama aad tahay macmiil Sahal leh waxaad gadan kartaa Airtime ama daqiiqado aad ku hadasho oo kala ah ilaa $0. 25 – $ 100 oo aad foonkaaga u isticmaasho ama qof kale foonkiisa. Sahal qiimaheedu wuu ka duwan yahay kan Airtimeka.

5. Bixi biilasha
Dadka ka diiwaan gareysan Sahal hada waxay bixin karaan biilasha Postpayga iyo kuwa kale oo badan oo ah Shirkado Sahal howl wadaag la ah.  Lacagta ugu badan ee maalintii laga bixin karo Sahal waa US$ 10,000 inta ugu badan ee laga bixin karo halkii marba waa  US$ 2,000.

(a) Si aad u bixiso lacagta Golis ee Biilka telefoonka:

(b) Si aad u bixiso biilashaada kale:

* Hubi in shirkada aad lacagta biilka siinaysid ay ogoshahay in Sahal lacagta lagu siiyo iyo in kale inta aadan lacagta xawilin. Waxay marwalba ku siinayaan numberka ganacsigooda iyo akoon numberka ku haboon inaad lacagta biilka ku bixiso. Waxay kaloo kuu sheegayaan hadii ay jiraan lacag ay kugu dalacayaan isticmaalka Sahal ama lacag ku bixinta qaabka Sahal iyo in kale.

 

6. Muuji Balansiga:
Waad hubin karta inta lacag kuugu jirta Sahal akoonkaaga adiga oo bixinaya lacag yar oo ah 1/=. Waxaad kaloo ogaataa in balansigaaga marwalba lagugu soo diro SMS markasta oo aad lacag ka bixiso akoonkaaga iyo markii aad ku ridataba.

Si aad u eegto balansigaaga:

Dalbo caawin: Waad soo wici kartaa qaybta caawinta macaamiisha ee Sahal adigoo adeeg sanaya menugaan::

 

7. Maamulida akoonkaaga Sahal

Waad maareyn kartaa akoonkaaga Sahal adigoo adeesanaya menuga telefoonkaaga:
Bedel PINka  : Si aan lagaaga xadin bedel PINkaaga markasta oo aad u baahato adigoo aan lacag lagugu dalaceyn.

Luuqada: – Waxaad dooran kartaa luuqada aad rabto inaad Sahal ku isticmaashol:

Soo sheeg haduu dhumay – Waad soo sheegi kartaa Sahal hadii telefoonka kaa dhumo:

Shuruudaha Adeegga SAHAL

fadlan halkaan ka akhri shuruudaha iyo xeerarka adeegga SAHAL

 

Archives