Shirkada Golis
Shirkada Isgaarsiinta ee Golis waa shirkad wadani ah oo la aasaasey sanadkii 2002-dii, si aay ugu adeegto bulshada ku dhaqan degaanada aay ka howlgasho,dhamaan adeegyada kala duwan ee shirkadu qabato,sida Telephone-da-Mobile iyo Line, Internet. Shirkada howlaheedu waa kuwo ku qotomaya aragtida adeeg-hufan oo anfaca macaamiisha, iyadoo shirkadu awoodeeda u sakhirtay inay gaarsiiso dhamaan muwaadiniinta dalka oo dhan adeega isgaarsiinta.
Shirkada Golis waa shirkada ugu balaaran dhinaca isgaarsiinta gobolada Puntland ee soomaaliyeed, taas waxaa si guud looga fahmi karaa baaxada dhuleed ee shirkada adeegeedu gaarey iyo kororka il-qabatinka leh ee macaamiisha shirkada.
Waxay shirkadu ku guuleysatay inay isku xirto inta badan gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka Degaanada Puntland welina waxay ku howlan tahay inay dhamaystirto meelaha dhiman ee uusan weli gaarin adeegeedu.
Shirkada waxay bixisaa dhamaan noocyada isgaarsiineed haday ahaan lahayd Telephone-da landline-ka ah, mobile-da iyo Internetka. Waxaa kale oo shirkadu aay gobolada aay ka howlgasho qaarkood ka bixisaa adeega korontada weliba magaalada bosaso waxaa shirkadu aay bixisaa adeeg koronto oo aad u sareeya inkastoo uusan ahayn mid baahsan oo ku eg zones kooban hadana waxuu soo jiitay dad badan
Xarumaha Shirkada Golis:Golis Centers
Shirkada Golis waxaa saldhig u ah magaalada Bosaso, oo ah caasimada ganacsiga ee Gobolada Puntland Somalia,Waxaa islamarkaa shirkadu xarumo ku leedahay dhamaan magaalooyinka iyo degmooyinka waawayn sida qardho, Garowe, Galkacyo, Ceerigaabo, Badhan, xiingalool, Dhahar, Hadaaftimo, Burtinle,Jalam,Tuulo Xarfo,Bursaalax,Goldogob,Boocame,Waaciya.
Waxaa sidoo kale shirkadu aay dhigtay one/two line telephone system tuulooyinka kala ah Laag, Kalabaydh(Bosaso), Kalabaydh(garowe), Laasadawaco, Jidad, Ufeyn, Sheerbi, Xido, waaciya, Baraagaha, Balibusle(sanaag), Laasqorey, yubbe, Taleex, Raka, jidad, Elbuh(sanaag) iyo cambaaro.
Howshaasi waxay qayb ka tahay qorshe la yiraahdo qorshaha jawaabta degdega ah “Rapid Response Programe” oo shirkadu ku talaabsatay si adeega loo gaarsiiyo shacabka sida weyn ugu baahi qaba inay helaan weliba degaanada fogfog oo aan nasiib u helin inay helaan adeegaan hada ka hor. waxaa weli shirkadu qorshahaas oo lagu gaarsiinayo adeega meelaha dhiman oo dhan.
Adeega Mobile-ku waxuu ka shaqeeya magaalooyinka iyo tuulooyinka waawayn, halka Landline-ku uu yahay adeeg wada gaara dhamaan goobaha shirkadu ka howlgasho.
Waxaa shirkadu leedahay nidaamka shabakad Microwave oo isku xirta ilaa bosaso ilaa galkacyo dhul gaaraya ilaa 750Kms. Dhinaca kalena ilaa Bosaso ilaa Ceerigaabo.
Shabakadaas waa la kordhinayaa hadba meeshii la baahdo inshalaah.
Shirkadu waxay heshiisyo wax wada-qabsi la leedahay labada shirkadood ee Hormuud telecom oo ka howlgasha koonfurta Somaliya iyo Telesom oo iyaduna ka howlgasha S/land waxayna sadexda shirkadood wadaagaan nidaamka microwave-ka taasoo daboolaya dhamaan soomaliya oo dhan, waxay arintaani u suurtagalinaysaa macaamiisha Golis inay wacaan Somalia oo dhan raas-casayr ilaa raas-kanbooni.
|