Call us: +252-05-822095

Degmada Bareedo oo ku guulaysatay kediskii bisha Ramadaan ee xalay lasoo gunaanaday

20 Jun 2019

Tartan aqooneedka kediska bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay ku baratamaan degmooyinka Puntland ayaa xalay lasoo afmeeray waxana wareeggii kama dambaysta isugu soo haray degmooyinka Dhahar ee gobalka Haylaan iyo Bareedo oo ka tirsan gobalka Gardafuu.

Barnaamijkan oo ay baahiso warbaahinta SBC islamarkaana ay maalgaliso shirkadda isgaarsiinta Golis ayaa soosocday 13 sano waxana shirkadda Golis ay mudadaas la garab taagnayd taageero maaliyadeed oo aan hagar lahayn taas oo keentay inuu guul kusoo dhammaado sanadkiisi 13aad.

Degmada Bareedo ee gobalka gardafuu ayaa xalay noqotay horyaalka Sanadkan kadib markii wareeggii kama dambaysta ay ka guulaysteen degmada Dhahar ee gobalka Haylaan oo ay xalay foodda isku dareen munaasabaddii gunaanadka kediska Ramadaan ee ka dhacday hotel Gacayte ee magaalada Boosaaso.

Degmada Dhahar ayaa iyadana madasha lagu gudoonsiiyay abaalmarintii ay ku mutaysteen kaalinta labaad ee ay dadaal dheer kadib ka galeen degmooyinka Puntland sidoo kalena degmada Ufayn oo gashay kaalinta sadexaad iyo degmada Carmo oo loo aqoonsaday degmadii ugu anshax fiicayd ee degmooyinkii ka qayb galay tartanka ayaa iyaguna madasha ku gudoomay abaalmarino lagu maamuusay.

Maareeyaha shirkadda Golis Siciid Aadan Axmed oo munaasbadda ka hadlay ayaa sheegay in maraaxil kala duwan laga soo maray tartan aqooneedkan oo uu xusay in 13kii sano ee uu socday ay ku dadaashay shirkadda Golis inay garab taagnaato si kor loogu qaado garaadka dhalinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland islamarkaana mudada lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan ay dadku u helaan baratan cilmiyeed ay ku mashquulaan.

Dhinaca kale masuuliyiintii madasha ka hadashay ayaa dhammaantood ku amaanay shirkadda Golis iyo warbaahinta SBC sida dhabar adaygga leh ee ay usoo wadeen mudadaas dheer barnaamijka kediska bisha Ramadaan iyagoo mahadcelin kadib ugu baaqay inay sii wadaan.

 

Archives