Call us: +252-05-822095

Shirkadda Golis oo xarigga Fiber Optic toos u gaynaysa guryaha iyo xarumaha shaqo

30 Mar 2019

Shirkadda Telecom ayaa bilawday in xarigga xambaara internetka xawaaraha sare leh ee Fiber Optic si toos ah loo gaarsiiyo guryaha, shirkadaha, Hay’adaha iyo cid walba oo doonaysa inay hesho Internet aad u xooggan.

Hadaba waxay shirkadda Golis soo dhawaynaysaa macaamiisha danaynaysa adeeggan oo loo diyaariyay qalabkii iyo shaqaalihii u rakibi lahaa oo diyaar u ah qancintooda iyo ka warhayntooda wixii ay u baahdaan in loo xaliyo.

Golis waxay sidoo kale bogaadinaysaa macaamiisha xiligan Ia gaarsiiyay xarigga Fiber Optic ee islamarkiiba u riyaaqay xawaaraha uu xambaarsanyahay kuwaas oo qaarkood ay shirkadda usoo mahadceliyeen.

Ugu dambayn macmiil waxaan ku leennahay Xilka aan iska saarayno inaad heshid Internetka ugu xooggan ee maanta laga isticmaalo dunida aynu joogno waxa uu kalifay inaan Gurigaaga ama goobtaada shaqo kuugu gayno Xarigga Xambaara Internetka xawaaraha sare leh ee loo yaqaan Fiber Optic.

Archives