Call us: +252-05-822095

Shaqo ka bannaan Golis Baargaal: Salesman (iibiye)

30 Sep 2018

Magaca booska Salesman(iibiye) Xarunta Baargaal
La dhejiyay 27-09-2018 Ugu danbayn 10-10-2018
Tirada boosaska 1 (hal boos)
Fiiro gaar ah: Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan islamarkaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyadasha haadooyinka iyo cadaymaha maamulka Golis Baargaal. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo,sidaas darteed ha kusoodarin waraaqaha asalka ah (Original), laakiin waa in aad usoo qaadataa waraysiga(Interview) si haddii loo baahdo aad usoo bandhigto.

 

 

Shuruudaha
Shirkadda isgaarsiinta Golis waxay raadinaysaa hal qof oo Sales person ah loogana baahanyahay xarunta Golis ee Baargaal.
Qofka aanu raadinayno waa inuu yahay mid ku si foobay daacadnimo, hawlkarnimo isla markaana leh dulqaad iyo dabeecad aad u wanaagsan.
Shuruudaha laga doonayo waa sidan:
1. Waa inuu haystaa shahaado Jaamacadeed oo Maamulka Maareynta ah lana aqoonsanyahay.
2. waa inuu haystaa shahaado Dugsi Sare oo la aqoonsanyahay.
3. Haddii uu leeyahay Khibrad la xiriirta xisaabaadka iyo maamulka waxay u noqonaysaa tixgalin.
4. Waa in uu sifiican u yaqaanaa luqadda Ingiriiska.
5. Waa in uu sifiican u yaqaanaa adeegsiga computer-ka shahaadana kawataa.
6. Waa in uu san habayaraatee lahayn wax balwad ah.
7. Waa in uu leeyahay dabeecad fiican oo dhaqan ahaan uga muuqata.
8. Waa in uu sumcad fiican ku leeyahay bulshada dhexdeeda.
9. Waa in uu diyaar u yahay in uu shaqeeyo xiliyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo ka mid ah
xaruma ha Golis.

Waaxda Shaqada Shaqaalaha

 

Archives