Call us: +252-05-822095

Ogeysiis: 6 Boos kumeel gaara oo korontiiste ah (Electrician)

10 Apr 2018

Magaca booska Korontiiste (Electrician) Xarunta Boosaaso
La dhejiyay 21/03/2018 Ugudanbayn 15/4/2018
Tirada boosaska 6 (Lix boos)    
Fiiro gaar ah: Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo cadaymaha Xarunta wayn Golis Bosaso. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah (Original), laakiin waa inaad usoo qaadataa waraysiga(Interview) si hadii loo baahdo aad usoo bandhigto.

 

Shuruudaha

Shirkada isgaarsiinta Golis waxay raadinaysaa Lix qof oo ah Korontiiste ah oo looga baahan yahay xarunta Golis ee Boosaaso.

Qofka aanu raadinayno waa mid ku si foobay daacadnimo, hawlkarnimo isla markaana leh dulqaad iyo dabeecad aad u wanaagsan.

 

Shuruudaha laga doonayo waa sidan:

  1. Waa inuu haystaa ugu yaraan shahaado dugsi dhexe.
  2. Waa inuu haystaa shahaadada farsamada korontada.
  3. Waa inuu korontada u leeyahay aqoon dhamaystiran.
  4. Waa inuu yaqaano dabgelinta guryaha iyo cillad bixinta korontada.
  5. Waa inuu yahay nin kusoo shaqeeyey farsamadan.
  6. Waa inuu aqoon u leeyahay kaybal jiidista.
  7. Haddii uu dareewal yahay waa loo tixgelinayaa.
  8. Waa in da’diisu u dhaxaysaa 25-35 sano jir.
  9. Waa in uusan haba yaraatee lahayn wax balwad ah.
  10. Waa in uu leeyahay dabeecad fiican oo dhaqan ahaan uga muuqata.
  11. Waa inuu sumcad fiican ku leeyahay bulshada dhexdeeda.
  12. Waa in uu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xiliyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo ka mid ah xarumaha Golis.

 

Waaxda Shaqada & Shaqaalaha

Archives