Call us: +252-05-822095

Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya oo daahfuray mashruuca Fiber Optic-ga shirkadda Golis

13 Jan 2018

Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxwaynaha Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray mashruuca Fiber Optic-ga ee xambaara internetka xawaaraha sare leh ee ay hirgalisay shirkadda isgaarsiinta Golis Telecom Somalia.

Munaasabadda lagu daahfurayay mashruucan ayaa ka dhacday xarunta mashruuca Fiber Optic-ga shirkadda golis ee ku taal xeebta Boosaaso dhineceeda waxana ka qayb galay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dawladda federaalka iyo Puntland iyo masuuiyiinta sare ee shirkadda isagaarsiinta Golis.

Gudoomiye ku xigeenka board-ka shirkadda Golis Luqmaan Xaaji Maxamuud ayaa madaxweynaha dawladda federaalka iyo madaxweynaha Puntland uga sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray mashruucan waxa uuna xusay in shirkadda Golis ay u dhabagashay mashruucan si ay uga haqab tirto bulshada Soomaaliyeed baahida ay u qabaan adeegga Internetka oo tayaysan.

Madaxweynaha dawladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in daahfurka mashruuca Fiber Optic ee ay hirgalisay shirkadda Golis ay tahay talaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka technologiyadda, waxa uuna uga mahadceliyay shirkadda Golis dadaalka ay ugu jirto horumarinta bulshada.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo ka hadlay madasha ayaa xusay in mashruucan uu muhiim u yahay bulshada loogana faa’iidaysan karo wax badan oo horumar u ah dalka, horseedna u yahay mashaariicda ay hirgaliyeen ganacsatada Soomaaliyeed ee xilka iska saaray bulshadooda.

Shirkadda isgaarsiinta Golis oo ka duulaysa baahida bulshadu u qabto internet xawaare sare leh oo ay fulsadaan danohooda kala duwan ayay hirgalisay mashruucii ugu horeeyay ee Fiber Optic ah ee la keeno deegaanada Puntland.

Archives