Call us: +252-05-822095

Shirkadda Golis iyo shaqaaleheeda oo $60,000 oo dollar ugu deeqday dadkii ku waxyeeloobay qarixii Soobbe

21 Oct 2017

Shirkadda isgaarsiinta Golis ayaa ugu deeqday lacag dhan $50,000 (Konton kun oo dollar) dadkii waxyeeladu kasoo gaartay qarixii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdsiho gaar ahaan isgooyska loo yaqaan Soobbe.

Dhinaca kale shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha Boosaaso ee shirkadda Golis ayaa iyaguna ku deeqay $10,000 (Toban kun oo dollar) si ay dhibaatada ula qaybsadaan walaalahooda ku waxyeeloobay qaraxa.

Wadarta deeqdan ka timi shirkadda Golis iyo shaqaaleheeda oo dhan $60,000 (Lixdan kun oo dollar) ayaa lagu wareejiyay guddiga gurmadka dadkii waxyeeladu kasoo gaartay qarixii Soobe oo kulan deeq ururin ah ku qabtay Misaajidka Alrawda ee magaalada Boosaaso.

Guddiga gurmadka ee gudoomay lacagtan ayaa ugu duceeyay madasha shirkadda Golis iyo shaqaaleheeda maadaama ay xil iska saareen walaalohooda ku sugan Muqdisho ee uu saameeyay qarixii 14kii bishan Octoobar ka dhacay isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen dad kabadan 300 oo qof tiro intaas ku dhawna ay ku dhaawacmeen.

Shirkadda Golis ayaa xiligii abaarta ugu deeqday dadkii ay saamaysay abaartu deeq lacageed oo ku dhaw $300,000 oo dollar, taas oo biyo iyo baad loogu iibiyay dadkii dhibbanaa ee ku cayroobay abaarta.

 

C/Naasir Siciid Maxamed

Xafiiska Marketing and Public Relation

Archives