Call us: +252-05-822095

Dab damiska Golis ayaa damiyay dab ka kacay kaalin shidaal magaalada Bosaso

20 Dec 2016 Golis dabdamis Bosaso

Waxaa maalinimadii khamiista 15/12/2016 abaare 2:40 pm dab qabsaday kaalin shidaal oo ku taala magaalada Bosaso una dhow dakadda magaalada.

Waxaa isla markiiba goobta gaaray shaqaalihii heeganka ku jiray ee dab demiska Golis ayaga oo adeegsanaya xirfadooda waxay qiimeyn ku sameeyeen baaxada dabka ,khasaarihiisa inta uu leegyahay iyo waxa dhaliyey dabka.

Kadib waxa aya u guda galeen sidii ay u maareyn lahaayeen dabka team-ku waxa uu isticmaalay qalabka kala duwan ee saaran gaariga.

Waxaana dabka loo isticmaalay FOAM oo loogu talagalay shidaalka iyo wax yaalaha la midka ah in lagu demiyo.

Ugu dambeyntii dadaal fara badan kedibĀ  team-ka dab damiska Golis waxay ku guuleysteen in ay demiyaan dabkii kaalinta qabsaday.

Dabkaan ayaa markii hore ka kacay Motor u baxayey kaalinta.

Archives