Call us: +252-05-822095

Jagooyinka Core Network Engineering Engineer iyo Audio Visual Service Engineer oo ka bannaan Golis

12 Dec 2016 Jagooyinka Core Network Engineering Engineer iyo Audio Visual Service Engineer oo ka bannaan Golis

Booska 1aad Core Network Engineer Engineer

Magaca booska

 Core Network Engineer Engineer Xarunta Boosaaso
La dhejiyay 12/12/2016 Ugudanbayn 19/12/2016
Tirada boosaska              1 (Hal boos)
Fiiro gaar ah:

Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo cadaymaha xafiiska Shaqada & Shaqaalaha. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah (Original), laakiin waa inaad usoo qaadataa waraysiga(Interview) si hadii loo baahdo aad usoo bandhigto.

Shuruudaha

Shirkada isgaarsiinta Golis waxay raadinaysaa hal qof oo ah Core Network Engineer Engineer Xarunta Bosaso.

Qofka aanu raadinayno waa mid ku sifoobay daacadnimo, hawlkarnimo isla markaana leh dulqaad iyo dabeecad fiican.

Shuruudaha laga doonayo waa sidan:

  1. Waa inuu haystaa shahaado jaamacadeed Telecommunication Engineering, Electric and Electronics Engineer ama wax u dhigma.
  2. Waa inuu haystaa shahaadooyinka CCNA iyo CCNP.
  3. Hadii uu haysto shahaado Linux +, Comptia A+, Microsoft MSCE waxay u tahay dheeri.
  4. Waa inuu diyaar u yahay inuu koboc shaqo kudhex sameeyo shirkada Golis.
  5. Waa inuu qori karaa kuna hadli karaa Soomaali, English iyo Carabi.
  6. Waa inuu leeyahay khibrad ugu yaraan 2 sano.
  7. Waa in uusan lahayn wax balwad ah.
  8. Waa in uusan wax denbi ah kagelin dadka iyo dalka.
  9. Waa in uu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xilliyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo ka mid ah xarumaha Golis.

waa inuu ilaaliyaa sharciyadda u yaal shaqaalaha shirkadda Golis.

 

Booska 2aad oo ah Audio Visual Service Engineer

Magaca booska  Audio Visual Service Engineer Xarunta Boosaaso
La dhejiyay 12/12/2016 Ugudanbayn 19/12/2016
Tirada boosaska 1 (Hal boos)
Fiiro gaar ah: Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo cadaymaha xafiiska Shaqada & Shaqaalaha. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah (Original), laakiin waa inaad usoo qaadataa waraysiga(Interview) si hadii loo baahdo aad usoo bandhigto.

Archives