Call us: +252-05-822095

2 Jago oo Cunto kariye (Cook) oo ka bannaan Shirkadda Golis

10 Oct 2016 2 Jago oo Cunto kariye (Cook) oo ka bannaan Shirkadda Golis

Cunto kariye(Chef) 1(hal boos)  

8/10/2016

 

17/10/2016

Caawiye Cunto kariye (Assistant cook) 1 (hal boos)

Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo cadaymaha xafiiska Shaqada & Shaqaalaha. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah(Original), laakiin waa inaad usoo qaadataa waraysiga(Interview) si hadii loo baahdo aad usoo bandhigto.

 

Shuruudaha Guud ee Boosaska Banaan:

  1. Waa inuu haystaa Shahaado dugsi Dhexe ama wax u dhigma.
  2. Waa inuu leeyahay khibrad cunto Karin.
  3. Waa inuu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xilliyo kala duwan kana shaqeeyn karaa goobo kala duwan.
  4. Waa inuusan qabin xanuunnada jirka iyo kuwa lakala qaado.
  5. Waa inuu yahay qof dabeecad iyo dad la dhaqan wanaagsan.
  6. Waa inuusan lahayn haba yaraatee wax balwad ah.
  7. Waa inuusan denbi kagalin dadka iyo dalka.

 

Waaxda Shaqada & Shaqaalaha

Archives