Call us: +252-05-822095

Kediskii Ramadaan oo soo gabagaboobay iyo Waaberi Carmo oo ku Guuleystay

16 Jul 2016 Golis Kedis

Barnaamijkan oo ay maalgalisay Shirkadda Golis ayaa si xiriir ah uga socday warbaahinta SBC bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waxana ku tartamayay cilmiga qaybihiiisa kala duwan xaafadaha Puntland.

Xafladii Gaunaanadka ayaa lagu qabtay degmada Carmo ee gobalka Bari waxana wareeggii kama dambaysta isugu soo haray xaafadaha Waaberi Carmo, iyo wadajir Garoowe Iyadoo ay guushu raacday xaafadii martida loo ahaa ee Waaberi Carmo.

Munaasabadda oo ka dhacday hoolka xafladaha iyo shirarka kuliyadda tababarka ciidamada ee Carmo ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dadwayne farabadan iyo masuuliyiin dhinacyo kala duwan matalaysay oo uu kamid ahaa gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo.

Masuuliyiinta sare ee shirkadda Golis ayaa iyaguna ku sugnaa madasha, Madaxa Hawlgalada shirkadda Golis C/Laahi Cali Cumar oo ka hadlay munaasbadda ayaa uga mahadceliyay dadwaynaha reer Carmo inay sanadka marti galiyeen gunaanadka Barnaamijka Kediska Ramadaan, si gaar ahna ugu hambalyeeyay xaafadda waaberi Carmo ee noqotay horyaalka sanadka, isagoo xusay in sanado badan ay soo waday shirkaddu barnaamijkan ay uga gol’lahayd in bulshada lagu jiheeyo dhinaca wanaagga islamarkaana lagu kobciyo garaadka dhalinta soo koraysa.

Masuuliyiinta xarumihii kale ee ka qayb qaatay maalglinta Barnaamijka oo ay kala ahaa mu’asasada Minhaaj, iyo madbacadda daabacadaadda Horyaal ayaa dhankooda ka hadlay munaasbadda iyagoo u hambalyeeyay labada xaafadood ee kala galay kaalinta 1aad iyo kaalinta 2aad.

Dhinaca kale shirkadda Golis ayaa madasha kusoo bandhigtay bakhtiyaanasiib ay hadiyado qaali ah kula wadaagaysay dadwaynihii kasoo qayb galay munaasbadda. waxana dadka qaar ay ku guulaysteen moobeelo casri ah iyo daqiiqado badan oo hadal ah.

Ugu dambayn waxaa abaalmarinadii ay mutaysteen la gudoonsiiyay labada xaafadood ee kala galay kaalmaha 1aad iyo 2aad iyo sidoo kale xaafadihii ku kala guulaystay kaalmaha 3aad iyo anshaxa.

Waxaa soo xiray xafladda Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo oo uga mahadceliyay shirkadda Golis iyo xarumihii kale ee ka qayb qaatay barnaamijka Kediska Ramadaan oo uu ku tilmaamay mid muhiimad balaaran xambaarsan islamarkaana ay dhalintu kaga mashquuleen waxyaabihii kale ee waqti dhumiska ahaa isagoo ugu dambayna ugu hambalyeeyay dadaalka ay sameeyeen xaafadaha Waaberi Carmo iyo Wadajir Garoowe oo soo gaaray wareeggii kama dambaysta.

 

C/Naasir Siciid Maxamed

Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha

Archives