Call us: +252-05-822095

2 Boos oo ka bannaan Golis Laascaanood: Customer Care iyo Salesman/Marketing

04 May 2016 Golis telecom jobs

Magaca booska Customer Care (Qancinta macaamiisha) iyo Salesman/Marketing  (iibiye / Suuq-geeye) Xarunta Laascaano
La dhejiyay 3-05-2016 Ugudanbayn 15-05-2016
Tirada boosaska 2 (laba boos)
Fiiro gaar ah: Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo cadaymaha maamulka Golis Lascaano. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah (Original), laakiin waa inaad usoo qaadataa waraysiga(Interview) si haddii loo baahdo aad usoo bandhigto.

Shuruudaha

Shirkada isgaarsiinta Golis waxay raadinaysaa hal qof oo Salesman / Marketing (Iibiye/Suuq-geeye) loogana baahan yahay xarunta Golis ee Laascaano iyo hal qof oo Customer Care (Qanciye macaamiil) loogana baahan yahay xarunta Salaam Bank ee Laascaano.

Qofka aanu raadinayno waa inuu yahay mid ku sifoobay daacadnimo, hawlkarnimo isla markaana leh dulqaad iyo dabeecad aad u wanaagsan.  Shuruudaha laga doonayo waa sidan:

  1. Waa inuu haystaa shahaado Jaamacadeed oo Maamulka & Maareynta ah.
  2. waa inuu haystaa shahaado Dugsi Sare oo la aqoonsan yahay.
  3. Haddii uu leeyahay Khibrad la xiriirta Qancinta macaamiisha, xisaabaadka iyo maamulka waxay u noqonaysaa tixgalin.
  4. Da’diisu waa inay ka yareyn 22 sano kana badneyn 35 sano
  5. Waa in uu si fiican u yaqaanaa luqada Ingiriiska
  6. Waa in uu si fiican u yaqaanaa adeegsiga computer-ka
  7. Waa in uu san haba yaraatee lahayn wax balwad ah
  8. Waa in uu leeyahay dabeecad fiican oo dhaqan ahaan uga muuqata
  9. Waa inuu sumcad fiican ku leeyahay bulshada dhexdeeda
  10. Waa in uu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xiliyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo ka mid ah xarumaha Golis

Waaxda Shaqada & Shaqaalaha

 

Archives