Call us: +252-05-822095

1 Boos (Sales), oo ka bannaan Golis Garowe

23 Apr 2016

Magaca booska Collector  (Lacag Ururiye) Xarunta Garoowe
La dhejiyay 21-04-2016 Ugudanbayn 4-05-2016
Tirada boosaska 1 (Hal boos)
Fiiro gaar ah: Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inuu keeno Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo cadaymaha maamulka Golis Garoowe. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah (Original), laakiin waa inaad usoo qaadataa waraysiga(Interview) si haddii loo baahdo aad usoo bandhigto.

Shuruudaha

Shirkada isgaarsiinta Golis waxay raadinaysaa hal qof oo Collector (Lacag Ururiye) ah loogana baahan yahay waaxda Sales ee xarunta Golis Garoowe.

Qofka aanu raadinayno waa inuu yahay mid ku sifoobay daacadnimo, hawlkarnimo isla markaana leh dulqaad iyo dabeecad aad u wanaagsan.  Shuruudaha laga doonayo waa sidan:

  1. Waa inuu haystaa shahaado Jaamacadeed oo Maamulka & Maareynta ah una dhanyahay Transcript-ga.
  2. waa inuu haystaa shahaado Dugsi Sare oo la aqoonsan yahay.
  3. Haddii uu leeyahay Khibrad la xiriirta xisaabaadka iyo maamulka waxay u noqonaysaa tixgalin.
  4. Da’diisu waa inay ka yareyn 23 sano kana badneyn 30 sano
  5. Waa in uu si fiican u yaqaanaa luqada Ingiriiska
  6. Waa in uu si fiican u yaqaanaa adeegsiga computer-ka
  7. Waa in uu san haba yaraatee lahayn wax balwad ah
  8. Waa in uu leeyahay dabeecad fiican oo dhaqan ahaan uga muuqata
  9. Waa inuu sumcad fiican ku leeyahay bulshada dhexdeeda

Waa in uu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xiliyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo ka mid ah xarumaha Golis

Waaxda Shaqada & Shaqaalaha

Archives