Call us: +252-05-822095

Adeegga Xogmaal: Fariimo qoraaleed aad ku helaysid wararka caalamka

21 Mar 2016

Adeegga XOGMAAL waa adeeg casri ah oo u sahlaya macmiilka in moobilkiisa uu subax walba ka helo fariin qoraaleed loogu diyaariyay wixii war ah oo ka cusub deegaanka, guud ahaan dalka iyo caalamka intiisa kale.

XOGMAAL waxa sidoo kale macaamiisha lagula wadaagaa fariimo ka hadlaya caafimaadka, Technologiyada, arrimaha diinta, dhaqaalaha iyo Ciyaaraha.

Qaabka la isaga diiwaangaliyo XOGMAAL:

Talaabooyinka uu marayo qofka doonaya inuu iska diiwaan-galiyo Adeegga XOGMAAL waxay kala yihiin sidatan:

  •  Ku qor erayga REG halka lagu qoro fariimaha qoraalka ee Moobeelka
  • Kadib u dir 333
  • Waxaad helaysaa fariin laguugu sheegayo inaad isdiiwaan galisay

Qaabka loo isticmaalo adeegga XOGMAAL:

Mar walba oo la gaaro xiliyada ku mudaysan Wararka iyo barnaamijyada XOGMAAL ayay macamiisha u dhacayaan fariimihii loo diyaariyay oo kooban.

Hadaba qofkii doonaya inuu akhrsito warka ama barnaamijka uu doonayo oo faahfaahsan waxa uu marayaa talaabooyinkan:

  • waxa uu soo furayaa fariin cusub
  • Kadib waxa uu ku qorayaa nooca warka uu doonayo sida (Puntland), (Soomaaliya), (Dunida) ama (Ciyaaraha)
  • Hadii uu barnaamijyada doonayona sidoo kale waxa uu ku qorayaa barnaamijka uu rabo sida (Caafimaadka) (Diini) (Technologiyadda)
  • Kadib waxa loo dirayaa 333
  • Ugu dambayn wuxuu helayaa warkii ama barnaamijkii uu dalbaday oo faahfaahsan

Archives