Call us: +252-05-822095

Ogaysiis: boos Mechanic oo ka bannaan Shirkadda Golis

09 Jan 2016

Magaca booska  Mechanic Xarunta Boosaaso
La dhejiyay 7/01/2016 Ugudanbayn 20/01/2016
Tirada boosaska 1 (Hal boos)
Fiiro gaar ah: Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo cadaymaha xafiiska Shaqada & Shaqaalaha. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah (Original), laakiin waa inaad usoo qaadataa waraysiga(Interview) si hadii loo baahdo aad usoo bandhigto.

 

Shuruudaha

Shirkada isgaarsiinta Golis waxay raadinaysaa hal qof oo ah Mechanic ee Xarunta Bosaso.

Qofka aanu raadinayno waa mid ku si foobay daacadnimo, hawlkarnimo isla markaana leh dulqaad iyo dabeecad aad u wanaagsan.

Shuruudaha laga doonayo waa sidan:

  1. Waa inuu leeyahay ugu yaraan 4 sano khibrad iyo xirfad shaqo Mechanic- nimo ah.
  2. Waa inay da’diisu u dhaxaysaa 30 ilaa 45 jir.
  3. Waa in uusan lahayn wax balwad ah ayna ka muuqataa.
  4. Waa inuu aqoon u leeyahay Matoorada iyo Gaadiidka sida: (perkins Generat 1000,1300,2300,2500,2800 series iyoIveco Generator Type Genef F6000,99493) farsamo ahaan, dayactir fudud iyo mid guud ahaaneed.
  5. Hubin/Badalis shaqada matoorada laga qabanayo( Loner , Piston, Ring, Main Bearing, Connecting Rod Bearing, Valves, Guide Crankshaft, Cam shaft, Fuel system –ka sida fuel injection pump, injector Nozzle) Farsamo ahaan, dayactir fudud ama mid Guud ahaaneed.
  6. Hubin/ Badalis ( Perkins Generator Panel Wizard and Panel inreliLite AC & DC A3ECM, Sensors Crank Speed / Timing, Cam Speed/ Timing, Boost Pressure Sensor, Lub oil Pressure Sensor, Inlet Air Manifold Temperature, Fuel Temperature Atmospheric pressure Sensor, Calibration Probe)
  7. Waa inuu cilad saari karaa gaadiidka noocyadiisa kala duwan sida kuwa petrol-ka iyo naaftada.
  8. Waa in uu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xiliyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo ka mid ah xarumaha Golis.
  9. waa inuu ilaaliyaa sharciyadda u yaal shaqaalaha shirkadda Golis.

Waaxda Shaqada & Shaqaalaha

Archives