Call us: +252-05-822095

Ogaysiis 2 Boos oo ka banaan shirkadda Golis

07 Dec 2015

Magaca booska  Procurement  (Soo iibiye) iyo

Asset Control (Ilaalinta hantida maguurtada ah)

Xarunta Boosaaso
La dhejiyay 7/12/2015 Ugudanbayn 31/12/2015
Tirada boosaska 2 (Labo boos)
 

 

Fiiro gaar ah:

Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo cadaymaha xafiiska Shaqada & Shaqaalaha. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah (Original), laakiin waa inaad usoo qaadataa waraysiga(Interview) si hadii loo baahdo aad usoo bandhigto.

 

Shuruudaha

Shirkada isgaarsiinta Golis waxay raadinaysaa 2 qof oo kala ah Procurement iyo Asset Control waaxda supply Chain loogana baahan yahay xarunta dhexe ee Golis Boosaaso. Qofka soo dalban kara booskan waa inuu ku sifoobay daacadnimo, hawlkarnimo isla markaana leh dulqaad iyo dabeecad aad u wanaagsan.  Shuruudaha laga doonayo waa sidan:

  1. Waa inuu haystaa ugu yaraan shahaado Jaamacadeed ah maamulka iyo maaraynta, Dhaqaalaha ama Logistics.
  2. Waa inuu leeyahay ugu yaraan khibrad 2sano oo shaqo Preocurement, Logistics ama Asset Control.
  3. Aqoon fiican u leh luuqadaha English (Carabi faaiido dheeri ah)
  4. Aqoon fiican u leh computer software programs-ka iyo diyaarinta reports-ka.
  5. Da’diisu waa inay ka yareyn 22 sano kana badneyn 35 sano.
  6. Waa inuu yahay qof ku fiican xirfada gorgortanka.
  7. Waa in uu san haba yaraatee lahayn wax balwad ah.
  8. Waa in uu leeyahay dabeecad fiican oo dhaqan ahaan uga muuqata.
  9. Waa inuu sumcad fiican ku leeyahay bulshada dhexdeeda kuna fiican yahay adeega macaamiisha.
  10. Waa in uu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xilliyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo ka mid ah xarumaha Golis.

Waaxda Shaqada & Shaqaalaha

Archives