Call us: +252-05-822095

2 (labo boos) shaqaale Temporary ah, oo ka bannaan Shirkadda Golis

12 Nov 2015

Magaca booska Darawal Cagaf Iskaalfeetar (Excavator Operator) Xarunta Boosaaso
La dhejiyay 10/11/2015 Ugudanbayn 25/11/2015
Tirada boosaska 2 (labo boos) shaqaale Temporary
Fiiro gaar ah: Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo cadaymaha xafiiska Shaqada & Shaqaalaha. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah (Original), laakiin waa inaad usoo qaadataa waraysiga(Interview) si hadii loo baahdo aad usoo bandhigto.

 

Shuruudaha Guud ee Boosaska Banaan:

  1. Waa inuu haystaa Shahaado dugsi Dhexe ama wax u dhigma.
  2. Waa inuu ku shaqayn karaa cagafta waxqoda ee nooca Excavator (iskaafetar)
  3. Waa inuu ku shaqayn karaa cagafta (sheewal Ama Baalada)
  4. Waa inuu wax ka yaqaan ciladaha ku yimaada cagafyada kor ku xusan
  5. Mechanic, Dab-yaqaan iyo Darawalnimadu waa faa’iido dheeriya.
  6. Waa inuusan da’diisu ka yarayn 20sano kana waynayn 40sano.
  7. Waa inuusan lahayn wax jirooyin ah ama dhaawac ka muuqda oo Hadhaw caqabad ku noqda shaqadiisa.
  8. Waa in uu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xiliyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo kamid ah xarumaha.
  9. Waa in uu san haba yaraatee lahayn wax balwad ah
  10. Waa in uu leeyahay dabeecad fiican oo dhaqan ahaan uga muuqata
  11. Waa inuusan danbi ka galin dadka iyo dalka.

Waaxda Shaqada & Shaqaalaha 

Archives