Call us: +252-05-822095

Shirkadda Golis oo qaadday imtixaan ay ku xulanayso shaqaale cusub

11 Nov 2015

Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telecom Somalia ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 11/11/2015 qaadday imtixaan ay ku xulanayso shaqaale

cusub oo gaaraya 6 kuwaas ka shaqayn doona waaxda qancinta macaamiisha, oo u baahatay shaqaale dheeri ah.

Imtixaankan ayaa ka duwanaa imtixaanadii hore ee shirkaddu ku qaadan jirtay shaqaalaha cusub waxana u fariistay in kabadan 170 dhalinyaro

shaqado doon ah iyadoo lagu qabtay hoolka imtixaanaadka ee jaamacadda Bariga Africa ee magaalada Boosaaso.

Madaxda sare ee shirkadda Golis ayaa goob joog ahaa hoolka Imtixaanka lagu galayay iyagoo la hadlay aqoonyahanadii soo codsaday inay buuxiyaan

jagooyinka shaqo ee ka banaan shirkadda.

Maareeyaha guud ee shirkadda Golis Siciid Aadam Axmed ayaa kula dardaarmay dhalinyaradii u fariisatay imtixaanka inay naftooda ku

kalsoonaadan isagoo xusay in shirkaddu ay shaqo walba oo banaan u bandhigto qof walba oo aqoonteeda leh si cadaalad ahna ku qaadato qofkii

kusoo baxa imtixaanaanka la qaado.

Hogaanka Xiriirka dadwaynaha Shirkadda Golis Faarax Xaaji Mire ayaa dhankiisa ku tilmaamay wax laga xumaado shaqo la’aanta ka jirta dalka

isagoo tusaale usoo qaatay in maanta ay 171 qof oo u diyaarsan shaqo ay soo codsadaan 6 jabo oo banaan waxa uuna u ugu baaqay ganacsatada iyo

shirkadaha kale inay door wanaagsan ka qaataan shaqo u abuurida

dhalinyarada wax baratay.

Madaxa hawlgalada shirkadda Golis C/laahi Cali Cumar ayaa isaguna xusay in haba haraatee aysan jiri doonin wax is dabamarin ama musuqmaasuq ah oo la xiriira shaqaalaha la qaadanayo waxa uuna u sheegay dadkii imtixaanka u fariistay inay galayaan tartan xalaal iyo cadaalad ku

dheehantahay.

Madaxa xiriirka dadwaynaha SH. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur iyo ku xigeenka agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha Maxamed Heybe

Sooyaan waxay kamid ahaayeen masuuliyiintii shirkadda Golis ee madasha ka hadashay.

Si kastaba ha ahaatee shirkadda Golis Telecom Somalia ayaa ah shirkadda ay ka shaqeeyaan shaqaalaha ugu badan guud ahaan Puntland marka laga

hadlayo hay’adaha iyo shirkaddaha gaarka loo leeyahay waxayna sanad walba qaadataa shaqaale cusub oo hor leh, arintaas oo tusaale cad u noqonaysa doorka ay ka qaadatay shaqo abuuris iyo mustaqbal ifaya oo ay helaan jiilka wax bartay ee ku sugan dalka.

Archives