Call us: +252-05-822095

6 Boos oo ka bannaan Shirkadda Golis – Bosaso

21 Oct 2015

Magaca booska  Customer Care Xarunta Boosaaso
La dhejiyay 21/10/2015 Ugudanbayn 31/10/2015
Tirada boosaska 6 (Lix boos)
Fiiro gaar ah: Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo cadaymaha xafiiska Shaqada & Shaqaalaha. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah (Original), laakiin waa inaad usoo qaadataa waraysiga(Interview) si hadii loo baahdo aad usoo bandhigto.

Shuruudaha

Shirkada isgaarsiinta Golis waxay raadinaysaa 6 qof oo ah Waaxaha Customer Care loogana baahan yahay xarunta dhexe ee Golis Boosaaso.

Qofka soo dalban kara booskan waa inuu ku sifoobay daacadnimo, hawlkarnimo isla markaana leh dulqaad iyo dabeecad aad u wanaagsan.  Shuruudaha laga doonayo waa sidan:

  1. Waa inuu haystaa ugu yaraan shahaado Jaamacadeed la aqoonsan yahay.
  2. Waa inuu aqoon dheeraad ah u leeyahay qancinta macaamiisha
  3. Waa inuu leeyahay khibrad shaqo ka badan halsano
  4. Da’diisu waa inay ka yareyn 22 sano kana badneyn 30 sano.
  5. Waa in uu si fiican u yaqaanaa adeegsiga computer-ka kuna soo shaqeeyey
  6. Waa inuu aqoon fiican u leeyahay luuqadaha English-ka iyo Carabiga.
  7. Waa in uu san haba yaraatee lahayn wax balwad ah.
  8. Waa in uu leeyahay dabeecad fiican oo dhaqan ahaan uga muuqata.
  9. Waa inuu sumcad fiican ku leeyahay bulshada dhexdeeda
  10. Waa in uu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xilliyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo ka mid ah xarumaha Golis.

Waaxda Shaqada & Shaqaalaha

Archives