Call us: +252-05-822095

Shirkadda Golis oo adeegga SAHAL iyo SIM Card-ro gaarsiisey Baadiyaasha

29 Aug 2015

Shirkadda Golis oo adeegga SAHAL iyo SIM Card-ro gaarsiisey Baadiyaasha Sanaag, Karkaar, Nuugaal iyo Bari

Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telecom Somalia ayaa adeegyadeeda SAHAL iyo GSM oo free ah gaarsiisey goobaha aan xarumuhu kashaqayn ee Tuulooyinka iyo Baadiyaasha
Safarkaas oo loogu baxay Baadiyaasha iyo tuulooyinka Goboladda BARI,KARKAAR,NUGAAL,iyo SANAAG.
Ujeedka Safarka ayaa ahaa in dhamaan macaamiisha Golis meelkasta oo ay joogaan ay shirkaddu ku booqato Guryahadooda iyo xeryahooda iyadoo gaarsiinaysa Adeegyadda ay u baahanyihiin.
Macaamiisha ayaa bogaadiyey adeegyadan ay shirkaddu soo gaarsiisey una riyaaqay in ay shirkaddu guryahooda iyo tuulooyinkooda ugu timaado iyagoo markii hore u safri jiray magaalooyinka ugu dhaw ee ay adeega ka heli karaan.

Archives