Call us: +252-05-822095

Tartanka Quraanka Madaarista Qardho oo Lasoo Gaba gabeeyay

08 Jul 2015

Tartankan oo ahaa mid ardayda ay ku tartamayeen 30 ka jus, 20 ka jus, iyo 10 ka jus ayaa socday mudo laba maalmood ah waxaana lagu soo gabagabeeyay magaaladda Qardho ee xarunta gobalka Karkaar halkaas oo

lagu qabtay Xaflad Abaalmarino iyo lacago cadaan ah lagu gudoonsiinayay Ardaydii ku guulaysatay kaalmaha hore ee Tartanka.

Shirkadda Golis ayaa maalgalisay tartankan qiimaha badan ee ardayda lagu tartansiinayay qawlka Eebe ee quraanka Kariimka iyadoo abaalmarino iyo lacago dhiirigalin ah gudoonsiisay ardayda kaalmaha hore ka galay tartanka iyo abaalmarino kale oo la siiyay dhamaan ardaydii ka qayb gashay tartanka.

ugu horayn ka hadlay Culimada iyo Masuuliyiinta Mu’asasada Al-Minhaaj Qaybta Qardho waxayna ka dhawaajiyeen muhimada Tartamada noocaan oo kala ah, ayagoo xusay mudadii uu socday oo ahayd 5 sano ay wax wayn iska bedeleen xifdiga ardada, waxayna hadaladooda kusoo gunaanadeen Mahadcelin iyo duco ay u jeedinayaan, ardaydii Xufaada ahyd, Macalimiintooda, waalidiintooda, iyo Shirkada Isgaarsiinta Golis oo u istaagtay ka farxinta ardaydaan ku tartamaysay Quraanka Kariimka ayadoo lagu jiro Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

Maamulaha shirkadda Golis Gobolka Karkaar Axmed Cawaale Gaare oo asna xaflada ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay inay muhiim tahay in lataageero lana garab istaago barnaamijyada noocaan oo kala ah shirkada Golis na ay ka

go’antahay ka qaybqaadashadooda ayadoo aan ahayn markii ugu horaysay oo ay Golis ka qayb qaadato Tartanka Quraanka Kariimka.

Ardayda ayaa loo kala abaal mariyay sidan:

30-ka Jus ayaa waxaa kaalimaha hore ka galay Ardayda kala ah:

1. Maxamed C/risaaq C/laahi oo ka socday Madarasada Daarul Quraan

2. Axmed Maxamed Daahir oo ka socday Madarasada Daarul Huda

3. C/raxmaan Maxamed C/llaahi oo ka socday Madarasada Daarul Biri

20-ka Jus ayaa waxaa kaalimaha hore ka galay Ardayda kala ah:

1. C/raxmaan C/llaahi Maxamed oo ka socday Madarasada Daarul Huda

2. Maxamed C/latiif Xuseen oo ka socday Madarasada Daarul Fajri

3. Maxamed C/raxmaan Maxamed oo ka socday Madarasada Daaru

Sacaada

10 -ka Jus ayaa waxaa kaalimaha hore ka galay Ardayda kala ah:

1. C/raxmaan Maxamed Maxamuud oo Ka socday Madarasada Daarul

Birri

2. C/khadar Maxamed C/llaahi oo ka socday Madarasada Daarul Huda

3. C/majiid Maxamed Cali oo ka socday Madarasada Daarul Quraan

Shirkadda Golis ayaa looga bartay inay door wanaagsan ka qaadato islamarkaana ay dhiiri galiso tartan aqooneedyada diiniga ah iyo kuwa maadiga ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan la dhex dhigo da’yarta ku

jirta waxbarashada kuwaas oo ka dhaxla mudada ay socdaan isdhexgal, aqoon diimeed iyo mid maadi ah, iyo sumcad ay ka helaan bulshada.

 

Wabilaahi Tawfiiq

Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha

Shirkadda Golis Telecom Somalia

Archives