Call us: +252-05-822095

Golis oo furtay Barnamijyada Kediska iyo Tartan iyo Tacliin

20 Jun 2015

Shirkadda Golis Telecom ayaa furtay barnaamijyada Bisha Barakaysan ee Ramadaan ee ay baahiyaan qaar ka mida idaacadaha ka hawlgala puntland, barnaamijyadaas oo kala ah:
1. Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ay baahiso idaacadda Daljir: barnaamijkaas ayaa waxaa ku tartama 30 School oo ku kala yaala guud ahaan Gobollada iyo Degmooyinka Puntland.
2. Barnaamijka Kediska oo ay baahiso idaacadda SBC: barnaamijkaas ayaa asagana waxaa ku tartamaya 24 xaafadood oo isugu jira xaafadaha Degmooyinka iyo Gobollada Puntland.
Barnaamijyadaas ayaa waxay kala furmeen 19-06-2-15 iyo 18-06-2015 oo ku beeganaa 2-Ramadan-1436 iyo 1-Ramadan-1436.
Shirkadda Golis waxay u rajeynaysaa guul iyo horusocod guud ahaan barnaamijyadaas iyo ardayda ka qaybgalaysa.

Archives