Call us: +252-05-822095

Golis oo ka qayb qaadatay soodhawaynta qaxooti hor leh

27 May 2015

Masuuliyiinta shiradda Golis Telecom Somalia ayaa maanta goob joog ahaa dekadda wayn ee Boosaaso halkaas oo ka socotay soodhawaynta iyo dajinta qaxooti hor leh oo kasoo barakacay dalka Yaman kuwaas oo maanta soo gaaray magaalada Boosaaso.

Madaxa Waaxda Xiriirka Dadwaynaha Shirkadda Golis Telecomi Somalia Sh.Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur ayaa ku sugnaa dekadda xiligii ay kusoo xiranaysay doonida siday qaxootigan faraha badan isagoo qayb ka

qaadanayay soo dhawaynta ay dadkan loogu samaynayay Boosaaso. Sh. Fu’aad ayaa kula dardaarmay gudiga qaxootiga Yaman loo xilsaaray inay si wanaagsan u geeyaan xerada loo diyaariyay ee ku taal bartamaha

magaalada islamarkaana ay u fududeeyaan waxa ay u baahanyihiin.

Shirkadda Golis ayaa horay si wayn uga qayb qaadatay gurmadka loo fidiyay dadka kasoo barakacay dalka Yaman iyadoo ambabixisay 358 qof oo kamid ah qaxootiga kuwaas oo ay si nabad ah ku gaysay magaalada Muqdisho oo

ay eheladoodu joogaan.

Wali waxaa jira qorshayaal ay wado Golis oo looga qayb qaadanayo gurmadka dadkan dhibban iyadoo ay balan qaaday inay mar walba garab taagnaanayso qaxootiga ka imaanaya dalka Yaman ee soo gaaraya

Boosaaso.

Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha

Shirkadda Golis Telecom Somalia

Archives