Call us: +252-05-822095

Golis oo ambabixisay qaar kamid ah qaxootigii yaman ka yimi

10 May 2015

Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telecom Somalia ayaa maanta ku guulaysatay inay ambabixiso 60 qof oo kamid ah dadka qaxootiga ah ee kasoo cararay dagaalada dalka Yaman kuwaas oo muddooyinkii dambe soo gaarayay magaaladda Boosaaso.

Dadkan oo ka koobnaa caruur haween iyo dad da’ ah ayay Golis u ambabixisay gobalada Koonfureed ee dalka, halkaas oo ay eheladoodu ku suganyihiin iyagoo loo kireeyay gawaari gaysa guryohoodi lana siiyay kharashaadkii ay jidka ku mari lahaayeen.

Madaxa waaxda xiriirka dadwaynaha Shirkadda Golis Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo maanta ku hawlanaa ambabixinta dadkan ayaa sheegay in talaabadan Golis ay u qaaday si loo gargaaro dadka dhibaataysan ee ka yimi Yaman islamarkaana doonaya inay ku laabtaan deegaannadoodi.

Sh, Fu’aad waxa uu sidoo kale sheegay inay hawshan sii wadayaan isagoo ugu baaqay ganacsatada inay doorkooda qaataan maadaama ay masuuliyad ka saarantahay u gargaarida dadka dhibaataysan ee ka imaanaya dalka Yaman.

“hawshan ay Golis u wado dadka dhibaataysan ee ka imaanaya dalka Yaman kuma eka maanta oo kaliya balse waan sii wadaynaa, doon walba oo timaadana waxaan ka qaadaynaa tirada maanta aan ambabixinay mid le’eg waxana ugu baaqayaa ganacsatada kale inay ka qayb qaataan gurmadka walaalaha ka imaanaya dalka Yaman” ayuu yiri Shiekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur.

Gudoomiyaha guddiga taakulada qaxootiga Yaman Shiekh Axmed Yuusf Daad ayaa dhankiisa uga mahadceliyay shirkadda Golis doorka muuqda ee ay ka qaadanayso gurmadka qaxootiga ka imaanaya dalka Yaman isagoo dhinaca kale ugu baaqay dadka kale ee wax haysta inay gargaaraan dadkan oo uu xusay inay u baahanyihiin caawimaadooda.

Shirkadda Golis Telecom ayaa si guud iyo si gaar ahba uga qayb qaadatay gurmadka loo fidinayay qaxootiga xiliyadii ugu dambeeyay soo gaarayay magaaladda Boosaaso kana imaanayay dalka Yaman waxana horay ay u gaariisay qaybo kamid ah adeegyadeeda si ugula xiriiraan eheladooda.

 

Xafiiska Xiriirka dadwaynaha

Shirkadda Golis Telecom Somalia

Archives