Call us: +252-05-822095

Jago Xisaabiye (Accountant) oo ka banaan Golis

05 May 2015

Magaca booska Xisaabiye (Accountant) Xarunta Bosaaso
La dhejiyay 05/05/2015 Ugudanbayn 14/05/2015
Tirada boosaska 1(Hal boos)
Fiiro gaar ah: Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo cadaymaha xafiiska Shaqada & Shaqaalaha. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah(Original), laakiin waa inaad usoo qaadataa waraysiga(Interview) si hadii loo baahdo aad usoo bandhigto.

 

Shuruudaha

Shirkada isgaarsiinta Golis waxay raadinaysaa hal qof oo Xisaabiye ah  loogana baahan yahay xarunta dhexe ee Golis Bosaaso.

Qofka soo dalban kara booskan waa inuu ku sifoobay daacadnimo, hawlkarnimo isla markaana leh dulqaad iyo dabeecad wanaagsan. Shuruudaha laga doonayo waa sidan:

  1. Waa inuu haystaa ugu yaraan shahaado Jaamacadeed oo xisaabaadka ah  lana aqoonsan yahay.
  2. Waa inuu si fiican u yaqaanaa luqada English
  3. Da’diisu waa inay ka yareyn 24 sano kana badneyn 30 sano.
  4. Waa in uu si fiican u yaqaanaa adeegsiga computer-ka gaar ahaan Excel & Word.
  5. Waa in uu san haba yaraatee lahayn wax balwad ah.
  6. Waa in uu leeyahay dabeecad fiican oo dhaqan ahaan uga muuqata.
  7. Waa inuu sumcad fiican ku leeyahay bulshada dhexdeeda aamina yahay.
  8. Waa in uu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xiliyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo ka mid ah xarumaha Golis.
  9. Waa inuu diyaar u yahay tartan iyo imtixaan xulasho

 

                                                                            Waaxda Shaqada & Shaqaalaha

Archives