Call us: +252-05-822095

Golis oo si rasmi ah u daahfurtay adeega xawaaladda TAAJ

30 Apr 2015

Munaasabad lagu daahfurayay adeega xawaaladda TAAJ oo ay hirgalisay shirkadda isgaarsiinta Golis Telecom Somalia iyo adeegyo kale uu muhiim ah ayaa lagu qabtay hotel Gacayte ee saaran xeebta magaaladda Boosaaso waxana ka qayb galay aqoonyahano, waxgarad, culimo, Masuuliyiinta ugu saraysa shirkadda Golis iyo marti sharaf kale.

Adeega xawaaladda TAAJ ayaa u fududaynaya macmiilka in eheladiisa asxaabtiisa iyo dadka wadashaqayntu ay ka dhaxayso meel walba oo ay joogaan ay lacagta ugu soo diraan taleefankiisa Goliska isagoo isla markaba helaya fariin u sheegaysa inay lacag u soo dhacday.

Maareeyaha guud ee shirkadda Golis Telecom Siciid Aadan Axmed ayaa ugu horayn ugu bishaareeyay macaamiisha qaaliga ah ee shirkadda Golis adeega xawaaladda TAAJ oo uu ku tilmaamay mid wax badan u sahlaya dadwaynaha islamarkaana ay sida ugu hawl yar uguna dagdaga badan u helayaan lacagta loosoo diray.

Maareeyaha ayaa xusay in shirkaddu ayaa macamiisha ugu baaqay inay ka faaiidaystaan adeega cusub ee wax-tarka u leh isagoo xusay in shirkadda Golis ay mar walba garab taagantahay macaamiisheeda ayna ugu dadaalayso inay usoo kordhiso adeeg walba oo ay dani ugu jirto.

Madaxa suuqgaynta shirkadda Golis Telecom C/Raxmaan C/Laahi Jaamac (Dayax) ayaa isaguna u sharaxay dadkii madasha fadhiyaya adeegyo kale oo ay shirkaddu kusoo bandhigtay xafladdan kuwaas oo kala ahaa E-Deposit, SAHAL Interface, Video Call, AutoBank Deposit.

Dayax waxa uu sheegay in adeega E-Deposit uu kuu suurta gelinayo in aad qof kasta akoonkiisa ugu deposit garayn karto lacagta aad u dirayso si lacag la’aan ah sidoo kale waxa uu xusay in adeega kale ee SAHAL Interface uu macaamiisha u suurta gelinayo inay bogga SAHAL ee Merchant-ga kala socdaan dhamaan dhaqdhaqaaqyadooda , kana  diraan lacagaha iyo mushaharooyinka , sidoo kale ka dirsan karaan xawilaadda Taaj gudaha iyo dibadaba.

Dhamaan dadkii ka qayb galay munaasabadda ayaa si wayn ula dhacay dhamaan adeegyada ay shirkadda Golis maanta soo bandhigtay oo uu ugu waynaa adeega xawaaladda ee TAAJ waxana qaar kamid ah martisharafta oo kalmado lasiiyay ay uga mahadceliyeen shirkadda Golis adeegan oo ay ku tilmaameen mid ay baahi wayn u qabeen.

 

Waaxda Xiriirka dadwaynaha

Shirkadda Golis Telecom

Archives