Call us: +252-05-822095

Tababar ku saabsan adeega SAHAL oo lagu qabtay shirkadda Golis

12 Apr 2015

Tababarkan oo ku saabsanaa habraaca cusub ee adeega SAHAL iyo habka xalinta cabashooyinka ka yimaada dhanka macaamiisha ee khuseeya adeega SAHAL ayaa waxaa ka faa’iidaysanayay 30 kamid ah shaqaalaha shirkadda Golis oo ka kala socday xarunta wayn ee Boosaaso iyo xarumaha gobalada kale ee Puntland.

Shaqaalaha ka faaiidaysanayay Tababarka ayaa ahaa kuwa sida gaarka ah uga shaqeeya adeega SAHAL oo ay weheliyaan shaqaalaha Qaybta GSM-ka iyo Qaybta daryeelka macaamiisha ee Customer Care-ka kuwaas oo qaybo

badan ka khuseeyaan adeega SAHAL.

Tababarka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda sarre ee shirkadda masuuliyiinta adeega SAHAL masuuliyiinta waaxaha shaqada iyo shaqaalaha iyo suuqagaynta waxana ugu horayn bogaadiyay muhiimada uu leeyahay tababarkan maareeye ku xigeenka shirkadda ahna madaxa hawlgalada C/laahi Cali Cumar Sidoo kale shaqaalaha kula dardaarmay inay si hufan uga shaqeeyaan adeega SAHAL oo uu ku tilmaamay adeeg muhiim u ah shirkadda iyo macaamiisha intabada loona baahanyahay in xil wayn la iska saaro shaqadiisa.

Qabanqaabada Tababarka ayaa waxaa lahaa waaxaha SAHAL iyo shaqada iyo shaqaalaha ee shirkadda Golis waxana inta uu socdo waxaa lagu qaadan doonaa casharo muhiim ah oo la xiriira adeega SAHAL xalinta ciladaha ku iman kara iyo gaarida ujeedka u wayn adeega ee ah qancinta macaamiisha isticmaasha.

Archives