Call us: +252-05-822095

Golis oo ka qayb gashay bandhig wacyigalineed arday ay samaysay

25 Mar 2015

Shirkadda Golis Telecom Somalia ayaa ka qayb qaadatay munaasbad lagu soo bandhigayay Barnaamij muuqaal ah oo ardayda sanadka ka qalinjabinaya jaamacadda culuumta caafimaadka ee Boosaaso ay uga talagaleen inay ku wacyi galiyaan bulshada gobalka iyo guud ahaan dalka.

Munaasbada oo ka dhacday hoolka xafladaha ee Jaamacadda Culuumta caafimaadka ee Boosaaso ayaa ardaydu ay kusoo bandhigeen muuqaal oo oo ay bulshadu uga wacyi galinayeen qodobo ay kamid ahaayeen daryeelka hooyada dhalmada kadib iyo kahorba tahriibta iyo isticmaalka dawooyinka Kiimikada ah ee ay dumarku isku qurxiyaan iyo qodobo kale.

1

Shirkadda Golis ay gudoonsiisay ardayda gudoonsiisay hadiyado ka kooban buugaag ay ku kaydsadaan cilmiga ay baranayaan islamarkaana ku dhiiri galisay inay sii wadaan barnaamijyada wacyi galinta ah.

Masuul kasocday waaxda xiriirka dadwaynaha ee shirkadda Golis C/Naasir Siciid Maxamed (Amuuraale) oo munaasabada kalmad ka jeediyay ayaa sheegay inay Golis ay soo dhawaynayso barnaamij walba oo bulshada looga ilaalinayo dhibaato islamarkaana ku amaanay ardayda masuuliyadda ay iska saareen hawshan.

“Anagu Golis hadaan nahay waa ka xigsanaa goobaha waxbarashada ganacsatada inteeda kale maxaa yeelay waxaa la dhahaa Golis iyo bahda waxbarashadu waa mataano aan la dhex gali Karin, hawshaana maanta ardaydu ay soo bandhigeena maqsuud baan ka nahay waana ku taageeraynaa hadii alle idmo” ayuu yiri C/Naasir Siciid Maxamed

Munaasbada ayaa ku dhamaatay jawi farxadeed ardayda ayaana uga mahadceliyay shirkadda Golis sida wanaagsan ee ay ugala qayb qayb qaadatay xaflada maanta iyagoo sidoo kale  ku amaanay sida ay mar walba u garab taaganyihiin goobaha waxbarashada iyo ardaydaba.

Archives