Call us: +252-05-822095

Ogaysiis 2 Boos oo ka Banaan SAHAL

14 Mar 2015

Magaca booska  Waaxda SAHAL Xarunta Boosaaso
La dhejiyay 11/03/2015 Ugudanbayn 20/03/2015
Tirada boosaska 2 (labo boos)
Fiiro gaar ah: Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo cadaymaha xafiiska Shaqada & Shaqaalaha. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah (Original), laakiin waa inaad usoo qaadataa waraysiga(Interview) si hadii loo baahdo aad usoo bandhigto.

Shuruudaha

Shirkada isgaarsiinta Golis waxay raadinaysaa 2 qof oo ah Waaxaha  SAHAL  loogana baahan yahay xarunta dhexe ee Golis Boosaaso.

Qofka soo dalban kara booskan waa inuu ku sifoobay daacadnimo, hawlkarnimo isla markaana leh dulqaad iyo dabeecad aad iyo aad u wanaagsan.  Shuruudaha laga doonayo waa sidan:

  1. Waa inuu haystaa ugu yaraan shahaado Jaamacadeed Maamulka & Maaraynta lana aqoonsan yahay.
  2. Waa inuu si fiican u yaqaanaa luqada English.
  3. Waa inuu aqoon dheeraad ah u leeyahay xisaabaadka
  4. Waa inuu leeyahay khibrad shaqo oo la xiriirta adeega macaamiisha.
  5. Da’diisu waa inay ka yareyn 22 sano kana badneyn 30 sano.
  6. Waa in uu si fiican u yaqaanaa adeegsiga computer-ka kuna soo shaqeeyey
  7. Waa in uu san haba yaraatee lahayn wax balwad ah.
  8. Waa in uu leeyahay dabeecad fiican oo dhaqan ahaan uga muuqata.
  9. Waa inuu sumcad fiican ku leeyahay bulshada dhexdeeda kuna fiican yahay adeega macaamiisha.
  10. Waa in uu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xilliyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo ka mid ah xarumaha Golis.

Waaxda Shaqada & Shaqaalaha

 

Archives