Call us: +252-05-822095

Ogaysiis Muhim ah oo khuseeya Macaamiisha Xujeyda ah

06 Sep 2014

Macaamiisha sharafta leh ee u socda xajka waxaan la socodsiinaynaa inay haystaan fursado qaali ah oo ay moobilkooda gacanta ee postpaid-ka ah ku isticmaali karaan  sacuudiga dhexdiisa, iyagoo weliba uu u shaqaynayo adeegga SAHAL .

Haddaba Xujeyda Sharafta leh waxaan u sheegaynaa si ay uga faa’iidaysataan adeeggaas muhiimka ah in ay raacaan talooyinka hoos ku xusan :

1. Marka aad soo wacayso somaliya (Golis,Hormuud,Iyo Telesom) waxaad ka hormarinaysaa furaha soomaaliya , tusaale Golis ka hormari :0025290*******

2. Marka aad isticmaalaysid adeegga SAHAL wuxu u shaqaynayaa sidiisii caadiga ahayd .

3. Haddii aad wacaysid dal kale oo aan ahayn Soomaliya,ka hormari furihiisa caadiga ah .

4. Markasta ogoow in qiimayaasha aad wax ku wacaysid ay yihiin kuwa hoos ku xusan:

    – Local waxa loola jeedaa markii aad wacaysid lambar sacuudi ah : $0.15/daqiiqadii

    – Soomaliya : waa markii macmiilka sucuudiga jooga uu soo Wacayo lambarro Somaliya ah sida kuwa Golis :                qiimuhu waa $0.60/daqiiqadii

    – Farriimaha (sms): waa markii macmiilku farriin u dirayo meel kasta oo uu doono :$0.25/sms.

    – Hadii macmiilka laga soo Waco Soomaaliya ama meel kale waxa ku soconaya $0.20/daqiiqaddii .

    – Lambarka Golis-ka ah ee Soomaaliya Jooga isagu wuxu ku wacayaa qofkaas sacuudiga jira localkiisii Soomaaliya oo     ahayd $0.024/daqiiqaddii.

    – Qiimaha lagu wacayo dalalka kale waa $5.4

    – Thuraya/emirsat iwm qiimaha lagu wacayo waa $9

5. Waxaan macaamiisha uga digaynaa inay wacaan dalalka kale ee aan soomaaliya ahayn iyo lambarrada gaarka ah ee shirkaduhu isku xayaysiiyaan ee sacuudiga jooga , hadii taasi dhacdo waxa macmiilka uu ku dalacayaa lacag aad u fara badan sida kor ku xusan ..

Waxaan idiin rajaynaynaa xaj maqbuul ah iyo camal saalix ah .

Shirkadda Golis

Xafiiska Suuqgeynta

Archives