Call us: +252-05-822095

Shirkadda Golis oo Daah-Furtey Adeegga 3G

03 Dec 2013

Bosaaso: Ku-simaha Maareeyaha shirkadda Golis Saciid Aadam Goos ayaa si rasmi ah u Daah-Furey adeegga 3-Ga, oo ah adeeg Casriya Sahli doonaana isku xirka dadka isticmaala adeegyada shirkadda Golis.

image002 image004 image006 image008

Munaasabadda Daah-furka adeegga 3-Ga ayaa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah maamulka shirkadda Golis iyagoo dhammaantood sheegay in adeegaan Cusub uu yahay mid faa’iido u leh macaamiisha shirkadda Golis.

Adeeg Casri ah

Ugu horayntii,waxaa bahada saxaafadda la hadlay Ku-simaha Maareeyaha guud ee shirkadda Mudane: Goos isagoo tilmaamay in hirgalinta Adeegaan cusub uu yahay mid ay shirkaddu ku tilaabsadey xilli baahi weyn loo qabo helidda adeegyo casri ah.

 

Wuxuuna hadalkiisa ku daray “ dadaal farabadan ka dib,waxaa suuragal noqotey in aan hir-galino adeegaan Casriga ah oo lagu tilmaami karo in uu yahay mid wax ku soo kordhin doonaa macaamiisha shirkadda”.

Hoggaanka Ganacsiga Cumar Ciise Maxamed (Faaruuq) ayaa si faah faahsan uga warbixiyey adeegga 3G-ga wuxuuna sheegay in hal-ku-dhegga adeegaan uu yahay “Faca Saddexaad baa filkaa ah” waana hal-ku dheg uu curiyey maareeyaha shirkadda Golis Aadam Sheekhdoon Cali.

Adeegyo kala Duwan

Hoggaanka ganacsigu waxa uu sheegay In adeega 3G-ga looga faa’iideysan doono dhinacyo farabadan oo ay ka mid yihiin: Video Call, Live streaming, High Speed Internet, Faster Download, Multimedia, Social Network.

Faaruuq waxa uu sheegay in adeegaas ka hirgali doono magaalooyinka ay ka mid yihiin: Bosaaso,Garoowe,Gaalkacyo,Ceerigaabo,Badhan,Qardho.

Ugu danbaytii xafladda Daah-Furka Adeegga 3G ayaa waxaa soo gunaanadey Hoggaanka Xiriirka Dadweynaha Faarax Xaaji Mire oo sheegay  in adeegaan cusub uu yahay mid casri ah,shirkaduna ugu talo gashey in ay isticmaalaan macaamiisheeda sharafta leh.

Mire ayaa sharaaxaad dheer ka bixiyey faa’iidooyinka adeegaan,wuxuuna yiri “ sida aan la socono aduunku manta Technology-da wuxuu ka gaarey heer sare,waxaana lagama maarmaan noqotey in shirkaddu mamaamiisheeda u soo gudbiso horumarkaas dhinaca Technology-da ah”.

Archives