Call us: +252-05-822095

Maareeyihii Shirkadda oo Xil-wareejiyey

10 Oct 2013

 

Waxaa maanta xarunta shirkadda Golis ka lagu qabtey Xaflad  Xil-Wareejin ah,xafladaas oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah maamulka shirkadda.

Cali Xaaji Warsame oo ahaa maareeyaha maanta xilka wareejiyay oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay “ xilka anigaa iskaga tagey oo la igama qaadin,waxaana uga tagey xilka arimo ii gaar ah”.

image013 image015 image004 image006 image008 image010 image012 image014 image016 image018 image020

Maareeyihii hore ee shirkadda Golis ayaa ammaan u soo jeediyey dhammaan shaqaalaha ka hawl gala shirkadda Golis.wuxuuna ku tilmaamey “ in ay yihiin shaqaale aqoon iyo akhlaaqba leh,daacadna u ah shaqadooda”.

Waxaa uu intaas ku daray “ shirkadda Golis waa shirkad aan ka shaqeeyey muddo,waxaan shirkadda ku bartay in ay tahay shirkad u taagan waxtarka bulshada”.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay maareeyaha cusub ee shirkadda Golis Aadan Sh. Doon Cali oo ammaan u jeediyay maareeyaha xilka wareejiyay.

Wuxuuna yiri “ Cali Xaaji warsame waa maareeye daacad u ah shirkadda Golis,inta uu shaqada hayey waxa uu hirgaliyey shaqooyin farabadan”.

Maareeyaha cusub ayaa sheegay in uu sii hayn doono xilka maareeyey nimo ee shirkadda ilaa inta guddiga sare ee shirkaddu ka soo magacaabi doono maareeye Cusub.

 

Archives