Call us: +252-05-822095

Qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda oo lagu tababarey “HSSE”

07 Oct 2013

Shaqaalaha shirkadda Golis ayaa lagu tababarey “HSSE” oo ah ereyo loo soo gaabshay Health,Security, Safety And Environment.

Tababaradaas ayaa ah kuwo laga leeyahay ujeedooyin aad u fog,oo xiriir la leh shaqa wanaaga iyo nabadgalyada shaqaalaha.

Shirkadda Golisna waa shirkadda kaliya ee fulisa “HSSE” Waxay shirkaddu u  aragtey fulinta barnaamijkaas in uu ku jiro nabad galyada shaqaalaha shirkadda.

Baarnaamijka “HSSE” ayaa ah mid socday muddo dhawr sano ah,waxaana tababaradaas shaqaalaha siiya Eng:C/Xakiim Cali Hiirad oo ah aqoonyahan soomaaliyeed oo In muddo ah ka shaqeeynayey shirkaddu laga leeyahay dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Archives