Call us: +252-05-822095

Xaflad loo qabtey macaamiisha shirkadda ee Burtinle

27 Jun 2013

 

 

 

Xaflad lagu daah-furey  adeegyo cusub oo ay shirkadda  soo kordhisay. adeegyadaas oo ay ka mid yihiin adeega internet (Wireless Prepaid iyo Adeega Ilawadaag )  xafladaas oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada sida: maamulka degmada, golaha deegaanka, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta  deegaanka, haweenka, ganacsatada iyo ardayda.

Ugu horayn, Xaflada waxaa daaha ka furay maamulaha Golis Burtinle mudane C/Wali Abshir Budeeye oo ka sheekeeyey sooyaalkii shirgaddu soo martay iyo adeegyada ay u hayso macaamiisheeda sharafta leh iyo waliba sida ay hadda ugu heelantahay horumarinta adeegayada waxtarka- u- leh macaamiisheeda.

Waxaa isna meesha ka hadlay Engineer C/Casiis Xabiib Farax oo ka sheekeeyey adeegyada shirkaddu bixiso iyo muhiimadda ay u leeyihiin horumarka mandiqada isla markaasna daaha ka qaaday adeegyada cusub oo ay shirkaddu keentay sida Internet Wireless Prepaid Iyo Adeegga Ilwadaag.

Waxaa isna xafladda kalmado qiimo badan ka yiri oo ku saabsan daryeelka macaamiisa ku-xigeenka madaxa sales-ka mudane Muxiyadiin Maxamed C/lle, kana sheekeeyey sida shirkaddu diyaar ugu tahay u adeegidda macaamiisheda sharafta leh, xusayna inay markasta u heelan yihiin u adeegidda macaamisha shirkadda goob kasta oo ay ku suganyihiin iyo xili kasta oo ay u baahdaan.

Waxaa hadalo kooban kasoo jeediyey xafladda mudane C/Raxmaan C/Laahi Bootaan (Hagaf ) oo xusay xiriirka ka dhexeeye shirkadda iyo bulshada deegaanka isla markaana xusay sida ay shirkaddu u taageerto horumarka ka socda deegaanka sida: Waxbarashada iyo Cafimaadka iyo guud ahaan arimaha  bulshada .

Waxa iyaguna microphone-ka qaatay marti sharafkii kasoo qayb galay xafladda oo runtii si aad ah u bogaadiyey adeegyada ay shirkagadu soo kordhisay mahadiyeyna kuwii horay u jirey.

Waxaa hadal kooban ka yiri aqoonyahan Sheekh Bilaal Caad Godogodo kana tirsan culumaa’udiinka deeganada puntland oo isagu ammaanay kaalinta shirkaddu bulshada ugu aadantahay isagoo xafladda kusoo kordhiyey halku dhag ahaa (Isgaarsiini Waa Golis, Adeegsamina Waa Golis).

Waxaa kale oo hadal kooban kasoo jeediyey madasha siyaasi C/Qaadir Xuseen Nuur Dirir oo runtii isagu ku ammaanay shirkadda waxqabadka iyo u maciinidda bulshada tabaalaysan.

Ugu dambayn, waxaa xafladda soo gunaanaday guddoomiyaha Degmada Burtinle mudane Liibaan Xirsi Khaliif (Yaraani) oo runtii si aad ah usoo dhaweeyey adeegyada shirkaddu soo kordhisay kuna ammaanay wada shaqaynta ay la leedahay maamulka Degmada iyo waliba bulshada ku dhaqan Degmada Burtinle kuna dhiiri galiyey  Shirkadda Golis  inay sii wado adeegyada waxtarka u leh bulshada.

Archives