Call us: +252-05-822095

Mataanaynta SAHAL Iyo E-Tawakal

20 May 2013

Mataanaynta SAHAL Iyo E-Tawakel

Waxaa maanta shirkadda Golis Talecom Somalia lagu qabtey xaflad mataanayn ah, taasoo laysku xiray  Adeegga SAHAL iyo adeegga loo yaqaan “ E-Tawakal”.

 

Ugu horayntii xafladaas waxaa madasha ka hadlay agaasimaha xafiiska Marketing-ka C/Rixmaan Dayax oo sheegay in maanta xafladda lagu Daah-furi doono mataanaynsiinta Adeegga “SAHAL” iyo “E –Tawakal”.

Hadalka agaasimaha ka dib,waxaa sidoo kale madasha ka hadlay hogganka ganacsiga ee shirkadda Golis Cumar Maxamed (Faaruuq) oo sheegay in macmiilku Xawilaad ka sameen karo Mobile-kiisa asagoo adeegsanaya adeegga “E-Tawakal” ee xawaaladda Tawakal Express.

Hogganku wuxuu muujiyey in shirkaddu iyadoo la kaashanaysa Xawaaladda Tawakal ay wada fududeeyeen adeegga in macmiilku lacago ka diri karo Mobile-kiisa.

Wuxuu hogganku sheegay in macmiilku uu kala socon karo dhaq dhaqaaqa adeegiisa Balance-ga lacagta ugu jirta Account-ka SAHAL-ka ah.

Hadalka hogganka ganacsiga ka dib,waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay Cali Siciid Nac-Nac oo ah masuulka adeegga E-Tawakal. Wuxuu Nac-Nac sheegay in adeegaas uu yahay mid casri ah oo ay macaamiishu ka faa’iideysan doonaan.

Cali wuxu hadalkiisa ku daray “ Macaamiisha ku nool dalka dibadiisa ayaa sidoo kale waxay aad u isticmaali karaan adeegaan casriga ah,iyagoo wax dhiba aan kala kulmin raadinta Bank-yada”.

Mas’uulka “E-Tawakal” wuxuu sheegay in qurba-joogta soomaliyeed aysan goor walba suuragal u ahayn booqashada Bank-ga,sidaa daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in la helo adeeg fududeeya lacag diridda.

Archives