Call us: +252-05-822095

Shirkadda “Golis ” oo shaacisay in lambar lagu daray kan ay wataan macaamiisha

28 Mar 2013

Shirkadda Isgaarsiinta Golis Talecom ayaa Lambar cusub ku dartay lambaradii caadiga ahaa ee ay isticmaalaan Macaamiisha shirkadda.

Arinkaas waxay shirkaddu shaaca ka qaadey ka dib markii ay shir saxaafadeed u qabatey qaar ka mid ah warbaahinada ka hawl gala dowladda Puntland.

Ugu horeyntii shirka ayaa waxaa ka hadlay maareeye ku-xigeenka shirkadda Saciid Aadam Maxamed, isagoo sheegay in lambarka 7 oo ka hor mari doono dhamman lambarada ay isticmaalaan macaamiisha shirkadda.

Wuxuuna maareeya ku-xigeenku  yiiri “ tusaale ahaan hadii uu ahaa lambarka uu sito macmiilku 6 wuxuu noqonayaa 76, hadii sidoo kale uu ahaa 79 wuxu noqonayaa 779”.

Maareye ku-xigeenka Shirkadda

Maareye ku-xigeenka Shirkadda

image008 image004 image002

Tilaabadaas ayuu maareeye ku xigeenku ku tilmaamey in ay ka tarjumayso koboca ay shirkaddu sameeysay iyo baaxadda adeegsiga iyo isticmaalka adeegyada shirkadda oo kordhay.

Waxaa sidoo kale shir saxaafadeedka ka hadlay Cumar Ciise Maxamed (Faaruuq ) Hogganka Ganacsiga oo sheegay in macmiilka ka soo hadli doona dalka dibadiisa  uu Computer hagi doono muddo dhan isbuuc.

Wuxuu sidoo kale sheegay in tilaabadaan ay ka tarjumayso “sinaanta macaamiisha shirkadda” iyo in dhamman shirkaddu ay u samanyihiin isticmaalayaasha adeegyadeeda.

Ugu danbeyntii shirka ayaa maamulku wuxuu ka jawaabey su’aalihii saxafiyiinta iyagoo cadeeyey wax kasta oo xiriir la leh tilaabada lambar ku daradi ay shirkaddu sameysay.

Archives