Call us: +252-05-822095

Shirkadda Golis oo ka qayb qaadatey Xuskii saxaafada Soomaaliyeed.

22 Jan 2013

Shirkadda isgaarsiinta ee Golis Talecom Somalia ayaa waxay si weyn uga qayb qaadatey xuska munaasabadda  maalinta saxaafada soomaaliyeed oo ku beegan 21/1/2012.

Waxaa munaasabadda xuska saxafiyiinta uga qayb galay dhinaca shirkadda Hogganka ganacsiga iyo suuq gaynta Cumar Ciise Maxamed iyo sidoo kale Hogganka Xiriirka Dadweynaha Faarax Xaaji Mire.

Munaasabaad ayaa ahayd mid ay ka soo qayb galeen qaar ka mid mas’uuliyiinta iyo maamulka Puntland iyo weliba tiro farabadan oo wariyayaal ah ay goob-joog ka ahaayeen.

Gabagabadii munaasabadaas ayaa shirkaddu waxay hadiyado ku nasiibso ah siisey dhammaan wariyayaashi ka soo qayb galay xuska munaasabadda maalinta saxaafada soomaalyeed.

Archives