Call us: +252-05-822095

Shirkada Golis Gaalkacyo oo Xarun Cusub xariga ka Jartay

14 Dec 2012

 

Shirkada isgaarsiinta golis laanteeda magaalada Gaalkacyo ayaa maanta daah furtay dhisme cusub oo loogu tala galay adeegida shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda.

wargal4 wargal5

Munaasabad balaaran oo ay ka soo qayb galeen marti sharaf iskugu jirtay masuuliyiinta gobolka qaar ka mid ah isimada iyo maamulka sare ee shirkada isgarsiinta  golis ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta golis ee Galkacyo.

wargal6

Ugu horayntii waxaa si rasmi ah u daahfuray xafladan Maamulaha shirkadda Golis Gaalkacyo Faarax Bootaan, wuxuuna u mahad celiyay martida ka soo qeybgashay xaflada, dabadeedna  wuxuu faah faahin dheer ka bixiyay furitaanka xafiisyada shirkaddu soo kordhisay oo ay ka mid yihiin xafiiska iibka iyo adeega bulshada  oo horey u jiray balse hadda la balaariyay, maadaama macaamiisha shirkaddu ay sii kordhayaan.

wargalka1

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusf Jaamac (Tigey) oo horay uga tirsanaan jiray adeegayasha shirkada Golis laanteeda Gaalkacyo ayaa ka hadlay xaflada wuxuuna sheegay in shirkadda Golis ay adeegyo badan ka haqab tirtay dadweynaha ku nool dhamaan gobolada Puntland isla markaana ay adeegeeda ku baahisay ilaa iyo xaduudaha dalka oo dhan.

wargalka2

Suldaan Cabdi Salaan Suldaan Maxamed oo ka mid ah isimada gobolka Mudug ayaa isna hadalo kooban ka soo jeediyay munaasabada waxaana uu aad u amaanay horumarka baaxada leh ee ay gaartay shirkada Golis waxaana uu ku sii booriyay in ay intaas ka sii balaariyaan waxqabadka bulshada ee ay haatan wado shirkada Golis.

gal8

 

Archives