Call us: +252-05-822095

Shirkadda Golis oo deeq lacageed guddoonsiisey isbitaalka iyo agoonta Gaalkacyo

12 Dec 2012

 Intii lagu guda jirey bisha ramadaan ee barakaysan Waxaa Deeq Lacageed Gaarsiiyey Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis Telecom Somalia.

caawino1

Dad gaaraya 30 bukaan ayaa midkiiba waxaa la siiyey lacag dhan 500,000 Sh.soomaali midkiiba.

isbitalgal2

Guddoonsiinta Deeqdaas waxaa ka soo qayb galay Bahda Caafimaadka oo uu horkacayey Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullaahi War-same waxaa sidoo kale joogey Agaasimaha Guud ee Isbi-taalka Gaalkacyo Dr. Maxamed Xuseen Aadan.

cisbitalgal1

Dhinaca shirkadda Golis waxaa deeqdaas qay-binteeda ka qayb qaatay Maamulaha Xiriirka Bul-shada ee Shirkadda Golis Gaalkacyo Cabdiwaaxid Cabdullaahi Xaashi (Garawaan), Madaxa Iibka ee Shirkadda Golis Gaalkacyo Maxamed Maxamuud Muuse (Indhakoombe) iyo Madaxa Suuqgaynta ee Shirkadda Golis Gaalkacyo Maxamed Ciise Cismaan.

Sidoo kale waxay Shirkadda Golis Gaarsiiyey Deeq Lacageed Carruur Agoon ah oo Mataano ah kana dhashay qoys danyar ah, Carruurtaas waxaa la sii-yey Lacag dhan $300 Farxadda Bisha Ramadaan awgeed.

isbitalgal3

Deeqdaas waxaa agoonta iyo hooyadood lagu guddoonsiiyey Xarunta Shirkadda Golis ee Galkacyo.

Archives