Call us: +252-05-822095

Qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda Golis oo la abaal mariyey.

12 Dec 2012

 Shirkadda isgaarsiinta ee Golis Talecom Somalia ayaa abaal marisay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda. Abaal marintaan ayaa shaqaalaha lagu guddoonsiiyey ka dib markii uu qabsoomay shirkii bilaha ahaa oo uu maamulka shirkadda la yeelan jirey dhammaan shaqaalaha shirkadda ee ka shaqeeya xafiiska Bosaaso.

shaqale1

Ugu horayntii shirka waxaa madasha ka hadley hoggaanka maamulka iyo mashaariicda Abdiri-saaq Cali Cilmi una sheegay shaqaalaha dhawrida waqtiga shaqada, isla markaana ay ku dadaalaan sidii kor-u-qaadid loogu sameeyn lahaa waxqa-badka shaqo.

Kalmadda hoggaanka maamulka ka dib, sidoo kale waxaa hadlay maareeyaha guud ee shirkadda Golis Mudane/ Cali Xaaji Warsame oo amaan iyo bogaadin u soo jeediyey shaqaalaha shirkadda isagoo ku tilmaamay in ay yihiin shaqaale hufan oo karti leh.

Maareeyuhu wuxuu hadalkiisa ku daray “mudadii aan joogay shaqada waxaan ogaadey in shaqaalaha shirkadda Golis ay yihiin kuwo aad u dhawrsoon, isla markaana jecel in waajibkooda shaqo ay u gutaan si fiican oo kor u qaadaysa sumcadda shirkadda”.

shaqale2

Maareeyuhu wuxuu shaqaalaha kula dardaarmey in ay labanlaabaan shaqada ay shirkadda u ha-yaan.wuxuuna u sheegay in ay mas’uul ka yihiin hantida dad weynaha soomaaliyeed ee share-ka ka ah shirkadda loona baahanyahay in la xifdiyo hantidaas mas’uulka laga yahay.

Ugu danbenytii shirka xafiiska shaqada iyo shaqaaluhu wuxuu abaal mariyey shaqaale ka shaqeeya waaxyaha shirkadda ee kala duwan shaqaalaha oo maga-cyadooda kal yihiin sida hoos ku qoran:

 

Magaca Waaxda
Maxamed Maxamuud Garoon Gaadidka iyo Matoorada
C/Rashiid Carab Jaamac Gaadidka iyo Matoorada
Yaasin Maxamed Aadam Gaadidka iyo Matoorada
C/Qaadir Cismaan Cumar Gaadidka iyo Matoorada
C/Rashiid Xasan Maxamed Gaadidka iyo Matoorada
Isaaq Maxamed Aadan Gaadidka iyo Matoorada
C/Rixmaan Muumin Saalax Engineering
C/Qaadir Maxamed Jaamac Engineering
Zakariye C/laahi Yuusuf IT
C/Laahi Sh.C/Qaadir Nuur IT

 

Archives