Call us: +252-05-822095

Golis oo maalgalisay Tartamadii bisha Ramadaan

12 Dec 2012

“GOLIS IYO BAHDA WAXBARASHADU WAA MATAANO”

Waa halku-dhegga shirkadda ee dhanka waxbarashada, Shirkaddu waxa ay ka qayb qaadataa taageeridda iyo xoojinta waxbarashada si ay usoo baxaan jiil aqoon iyo cilmi xambaarsan.

Shirkada isgaarsiinta Golis Telecom Soomalia, ayaa sanad walba qabata tartamo ay kor uquqaadeyso tacliinta iyo kobcinta maskaxda dhalinta soomaaliyeed, tartamadaas ayaa waxaa lagu qabtaa dhammaan gobolada ay ka koo-bantahay dowladda Puntland, waxana baahiya idaacadaha maxaliga ah ee FM-ka.

 

Waxaa tartamadaas ka mid ahaa:

1: Tartanka Qur’anka kariimka ah oo ay ku tar-tamaan ardayda xaafidul qur’aanka ah ee dugsiyada qur’aanka deegaanada Puntland, kuwaasoo ku tartama 30-ka jus, 20-ka jus iyo 10-ka jus.waana sannadkii la-baad ee ay shirkaddu maalgelisay tartankaas barakaysan ee qur’aanka.

2: Tartan iyo Tacliin, Waxaa sanadkaan ku tartamey 24- kamid ah dugsiyada Sare ee Puntland waxaana baahi-yey idaacadda Daljir, waxaana maalgelinta kawada qaybqaata shirkadda Golis iyo wasaarada waxba-rashada Puntland, diyaarinta iyo fulinta barnaamijkaan waxaa qayb ka qaatey dallada waxbarashada ahliga ah ee markii la soo gaabsho loo yaqaan “PEN” waxaana sannadka guushii ay raacday dugsiga sare ee Al-Nuur Badhan

 

3: Kediska bisha Ramadaan ee Xaafadaha Puntland oo ay baahiso idaacadda SBC waxaan si joogto ah u maalgelisa Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telecom Somalia. Waxaa ku tartamaha xaafadaha degmooyinka Puntland oo gaaraya 24 xaafadood. Sanadkaan guushu waxa ay raacday xaafadda Laanta Hawada ee Boosaaso.

4: Tartanka Xaafadaha Magaalada Garowe, waxaa baahiya idaacadda Garowe, waxaana maalgeliya shirkadda Golis, waxaa sannad walba ku tartama xaafadaha ay ka koobantahay caasimadda Puntland ee Garowe, waxa sannadkana ay guushu raacday Xaafadda_kowda August.

5: Tartanka Xaafadaha Magaalada Galkacyo, waxaa baahiya idaacadda Galkacyo,waxaana maalgeliya shirkada Golis, waxaa sannad walba ku tartama xaafadaha ay ka koobantahay Magaalada Galkacyo, waxaa sannadkana ay guushu raacday Xaafadda_Garsoor laanta shanaad.

Tartanka Dugsiyada Hoose/dhexe, waa tartan ay baa-hiso idaacada Alxikma ayna maalgeliso shirkada isgaarsi-inta Golis Telecom Somalia, waxaana ku tartmay dugsi-yada dhexe eeku yaal caasimada Puntland ee Garowe, waxaana sanadka ay guushu raacday dugsiga dhexe ee Al -waaxa School

Archives